Somaliland: Xildhibaan Sheegay Inay Wax Iska Beddeleen Muuse Biixi Inta Uu Madaxweynaha Noqday

0
39

“Horta da’ina way jirtaa ee berigii hore Muuse (Madaxweyne Muuse) nin meel uu joogo waxyaabaha imika dhacaya lagula soo dhici kari jiray muu ahayn…” Xildhibaan Mataan Hoorri

Hargeysa, 25 September, 2018 (Kaafimedia) – Xildhibaan Mataan Muxumed Hoorri oo ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u muuqdo mid waayeelay, isla-markaana aan hore loogu aqoon dulqaadka hadda ka muuqda.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in sidii uu ku yaqaanay Madaxweyne Biixi aanay suuro gasheen inuu faraha ka laabto Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo jooga degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ee Somaliland.

Xildhibaan Mataan Hoorri oo shaqsiyadda Madaxweyne Biixi wax ka yaqaana, isla-markaana ka mid ahaa siyaasiyiintii ururkii SNM ee ay soo wada-galeen dagaalkii ay kaga soo hor jeedeen nidaamkii taliskii Siyaad Barre ayaa waxa uu sheegay inay u muuqato in Madaxweynuhu waayeelay oo nabadda ku faro adaygayo, waxaanu yidhi Carqalado way jiraan oo dawladdii Soomaaliya ee aynu 30 sannadood ka hor ka adkaanay ayaa la leeyahay dhul aynu leenahay ayey qabsatay, waana arrin la yaab leh oo wax laga naxo ah oo waxaan loo qaadan karin ah, haddana iyaguna way og yihiin in aynaan ahayn dad wax laga haysan karo, inana waynu ognahay in aanay ahayn dad wax innaga haysan kara laakiin, waa iska imtixaan uun waa se arrin dadka naxdin ku ah,”Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Mataan Hoorri oo ka hadlayey socdaal uu Madaxweynaha Puntland ku yimid degmada Badhan ee Gobolka Sanaag toddobaadkii hore.

Xildhibaanka oo Telefiishanka Star u warramayay waxa uu ka faallooday sababta loo aanayn karo in Madaxweyne Biixi tallaabo uga qaadi waayey Gaas waxaanu yidhi “Dee horta da’ina way jirta ee berigii hore Muuse (Madaxweyne Muuse) nin meel uu joogo waxyaabaha imika dhacaya lagula soo dhici kari jiray muu ahayn, giddigayagana sidaas ayaanu ahayn oo rag aad u firfircoon oo jawaabaha iyo tallaabada dagaalka dhiirranaan la yaab leh ku leh ayaanu ahaan jirnay oo Muuse-na ahaa kuwa ugu horreeya, maantase mallaha waayeelnimada iyo da’da iyo waxbaa nagu soo kordhay, marka berigaas aan sheegayo Muuse muu ahayn nin maqli karayey Badhan baa la haystaa maantana waa tan oo Cabdiwali baa leh meel baan fadhiyaa oo aan ka khudbadaynaya, markaa maaha waxyaabihii Muuse lagu yaqaanay inuu waxaas oo kale dhegaysto. Waxaan u mallaynaya waayeelnimada weeye oo dhallinyaradu fudeyd ayey leedahay, haddana fudeydka farriidnimana waa ku jirtay waayeelnimadana u kaadi iyo waxyaabo badan oo aanan xeerin jirin ayey kollay in la xeeriyo tahay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Hoorri

Kaafimedia