Qalbi-dhagax Oo Hargeysa Ka Bilaabay Socdaal Uu Dhulka Soomaalida Ku Marayo.

0
27

Hargeysa (Kaafimedia) – Waxa shalay Magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka mid ah Saraakiisha Jabhadda ONLF.

Qalbi-dhagax oo ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa soo dhaweeyay Masuuliyiin ka socday Xisbiyada Qaranka Somaliland, Madax-dhaqameed iyo Dadweyne kale oo sitay Calanka Jabhadda OLNF astaanta u ah.

Qalbi-dhagax oo dhowr bilood ka hor laga siidaayey Xabsi ku yaalla Dalka Itoobiya, ka dib markii Dawladda Federaalka Soomaaliya u dhiibtay, maaddaama oo Itoobiya xilligaa ONLF u aqoonsanayd Urur Argagixiso, ayaa hadal uu Saxaafadda ku siiyey Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ku sheegay inuu Hargeysa ka bilaabayo Socdaal uu ku marayo Deegaannada Soomaalidu degto, si buu yidhi uu uga Mahad-celiyo dareenkii Shacabka Soomaalidu kaga soo horjeedsadeen Go’aankii Soomaaliya ugu dhiibtay Itoobiya.

Cabdikariin Sheekh Muuse oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo uu Maalmihii u dambeeyay ku sugnaa, ayaa waxa Safarkiisa ku wehelinayey Safiir ku-xigeenka Somaliland u fadhiya Kenya.

Masuulkan ka tirsan Jabhadda ONLF ayaa soo dhaweyntiisa ka dib, waxa Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland u samaysay Qado-sharaf soo dhaweyn ah.

Kaafimedia Hargeisa