Hay’ada U Diyaar-garowga Aafooyinka Qaranka oo Dib U Eegaysa Gurmadkii Laga Galay Meellihii ay Duufaannadu Ku Dhufteen.

0
80

Hargeysa(Kaafimedia) – Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed,  ayaa  maanta shaqaalaha Hay’adaasi  u furay kulan dib loogu eegayo dhibaatadii ay gaysatay Duufaantii Sagar ee horaantii Sannadkan ku dhufatay Xeebaha Galbeedka dalka.

Haya’adda ka Hortaga Aafooyinka ayaa hore u shaacisay in wadarta dadka ay saameysay Duufaantaasi ay gaadheyso 90,000 oo qof, kuwaasoo u badan dad reer miyi ah, waxaana ku dumay 1,459. Halka ay ku dhinteen 56 qof.

Kulankan  waxa ka soo qaybgalay Wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha,Hay’adaha Qarammada Midoobay, hay’addaha kale ee dalka ku sugan   iyo Shaqaalaha Hay’adda u diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL.

Guddoomiyaha Hay’ada  ka hortagga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa  ka warbixiyey u jeeddada uu kulankaas waxaanu mahadnaqay Madaxda Dowladda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qayb galay kulankaasi.

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh ayaa  sheegay in  ay doonayaan in dib u eegis lagu sameeyo waxyaabihii uga qabsoomay talaabooyinkii ay qaadeen dowlad ahaan iyo hay’addaha caalamiga ahi ee wax loogu qabanayey dadkii ay saamaysay duufaantaasi.

Faysal Cali Sheekh wuxuu ammaanay  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumadiisu ay   qayb libaax ka qaateen gurmadka bulshada ku tabaaloobay duufaantaas. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland  Md. Saleebaan Cali Koore, sheegay uu aad ugu faraxsan yahay sidii xukuumaddu u agaasintay gurmadkii bulshada wax loogu qabanayey.

Kaafimedia Hargeis Office.