“Somaliland Waxay U Haysataa In Ictiraafka Ay Rabtaa Uu Yaalla London, Laakiin Wuxuu Yaalla Xamar…” Buubaa

0
109

Hargeysa, 27 September, 2018 (Kaafimedia) – Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay muhiim tahay inay Somaliland iyo Soomaaliya ka wada-hadlaan danahooda oo ay ka heshiiyaan waxa ka dhexeeya.

Buubaa oo Shalay u warramay Warbaahinta, ayaa sheegay in Ictiraafka ay Somaliland raadinaysaa aanu oolin London, balse uu yaallo Xamar, sidaa awgeed loo baahan yahay in Soomaaliya iyo Somaliland ay ku wada-hadlaan Xamar ama Hargeysa.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “In Wada-hadallo toos ahi ka dhacaan Waddanka Soomaaliya ama Somaliland waa muhiim.”

Buubaa wuxuu sheegay in Somaliland fahansan tahay khalad “Arrinta khaladku ka taagan yahay waa in Somaliland u haysato in Arrintan (Aqoonsiga) Dibeddaha iyo Caalamka lagaga qasbi karo Soomaaliya, Soomaaliyana waxay u haysataa in Dastuurka iyo yuhuunta ay rabto inay wax ku qabsato inay tahay wax Soomaaliya u gaar ah oo aanay kolna Somaliland ku jirin..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu soo jeediyey in Runta la waajaho “Markaa labada dhinacba waa inay Riwaayadda ka baxaan oo runta loo dhaqaaqo, Somaliland-na waaqaca u soo dhaadhacdo, Waayo? Ictiraafka ay rabtaa maaha mid yaalla London iyo New York, ee wuxuu yaallaa Xamar..”