Khilaafka Xisbiga KULMIYE: Guddoomiyaha Golaha dhexe & Xoghayaha Xisbiga Oo Si Kulul Warbaahinta isugu weeraray.

0
41

Hargeysa(Hubaal)-Masuuliyiin ka wada tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa si kulul warbaahinta isugu weeraray, waxaanay isu jeediyeen eeddeymo salka ku haya awoodda ku hadalka Afka Xisbiga iyo khilaaf huursanaa oo ka dhexeeya, kaasoo iminka dibada u soo baxay.

Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Xasan Siciid oo gelinkii hore ee Shalay  Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi ku hadli karin Afka xisbiga, waxaanu dhaliilay qaabka uu Jaamac Shabeel uga hadlay Xeerka Kufsiga.

Daawo Hadalkii Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid:

Hase ahaatee, Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel), ayaa hadalka Xoghayaha ku tilmaamay mid uu iska yidhi oo aan ku dhisnayn aragti iyo xushmayn siyaasaddeed.

“Afka Xisbiga waan ku hadlayaa, horena anigaa ugu hadli jiray, mana garanayo meesha uu ka keenay isagu, waanu iska yidhi..” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Waxa kale oo uu Xoghayaha Xisbiga ku eeddeeyey inuu kamid ahaa dadkii buqnaha goynayey Madaxweyne Muuse markii uu kursiga Madaxweynaha u tartamayey “Xasanow haddii ay shalay taadii ahaan lahayd maanta Muuse Madaxweyne muu noqdeen, maantana kuu suurto-geli mayso inaad iga xigsato ee dhexdayada haku guban” ayuu raaciyey Jaamac Shabeel hadalkiisa.

Eeddeymaha qalafsan ee ay saacado gudahood warbaahinta isu mariyeen labadan masuul ee Xisbiga Kulmiye, ayaa muujinaya inuu jiray khilaaf Iskii isaga huursanaa oo ka dhex aloosan xisbigaas.

Ma jiro wax war ah la xidhiidha arrintan oo ka soo baxay Madaxda Xisbiga oo uu kamid yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ah Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.