Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Oo Hogaan Cusubna Ku Doortay Hargeysa Iyo Nuxurka Qodobo Ka Soo Baxay Shirkoodii.

0
99

Hargeisa (Kaafimedia)Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa qabsaday Shirweynahoodii saddexaad, oo ay ku doorteen hogaan cusub oo muddo laba sanno ah ay doorteen, halka Guddida Shuuradana ay doorteen muddo saddex sanno ah.

Shirweynahan oo muddo laba cisho ah socday, ayaa  si rasmiya loogu doortay Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha guud ee Guddida wanaag farista, madaama ay si ku meel gaadh ah xilalkan u hayeen, iyadoo Guddoomiyihii hore ee Guddida Wanaag farista uu xilkan iska casilay.

Maxamed Iidle, oo ka mid ah  Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland oo isagu ka hadlay nuruxka iyo qodobada ka soo baxay Shirweynaha saddexaad ee Guddidan ayaa hadalkiisi ku bilaabay “18 bisha maxaram 1940 oo waafaqsan 28/9/2018, waxa soo gabgaboobay Shirweynihii Saddexaad ee Hay’adda Wanaag Farista iyo Xumaan reebista Jamhuuriyada Somaliland, waxaana ka soo qayb galay ergooyin ka kala socda dhammaan Gobolada Somaliland, waxaa gorfayn iyo falaqayn kadib ay Shirweynaha ku go’aamiyeen, waxay doorteen Golaha Guudi ee Shuurada oo ka kooban 22 xubnood, matalayna dhammaan Gobolada Somaliland oo dhan, in Golaha Shuruudu yahay Golaha ugu sareeya ee Hay’adda si wafaaqsan xeer hoosaadka Hay’adda. Golaha Shuruudu waxay doorteen Golaha Fulinta, oo kala ah Guddoomiyaha guud ee Hay’adda oo ay u doorteen Sheekh Cawil Faatax, Guddoomiye ku xigeenka guud ee Hay’adda Maxamed Cabdi Ismaaciil Raabi, Xoghayaha guud Sheekh Axmed Maxamed Suldaan”.

Dhanka kale Guddidu waxay hambalyo iyo bogaadin u direen Madaxweynaha Somaliland oo ay ku bogaadiyeen joojinta Xeerka Kufsiga, waxay kale oo ay ku taliyeen in xeer kasta oo lid ku ah diinta islaamka in la joojiyo, waxay Golayaasha ugu baaqeen in mar walba u dhuga nugladaan baaqyada culimada, waxay kale oo Guddida Wanaag farsitu xuseen inay mar walba wada shaqeeyn fiican la leeyihiin Wasaaraddaha, Garsooraha iyo Booliska.

Kaafimedia Hargeisa Office.