Golaha Deegaanka Oo Doortay Maayar Cusub, Markii Uu Iscasilay Maayarkii Hore Oo Musuqmaasuq Lagu Eedeeyay.

0
31

Boorama,  (Kaafimedia) – Golaha Deegaanka ee degmada Boorama, ayaa Shalay doortay Maayar cusub oo degmadaasi yeelanayso.

Ka dib, Khilaaf xoog leh oo Maalmihii u dambeeyay ka dhex taagnaa Xildhibaannada Golaha deegaanka Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa waxa is-casilay Maayarkii hore ee Magaaladaasi Maxamed Xuseen Maydhane, waxaana markaa ka dib la doortay Maayar cusub.

Maayarkii hore ee Iscasilay ayaa sheegay inuu u tanaasulay danta guud ee Magaalada Boorama isla-markaana uu qaatay talooyin uu sheegay in Madaxweynuhu u soo jeediyey “Markaan ku qancay Go’aanka Madaxweynaha waan gartay inaan u tanaasulo Danta Qaranka oo ay ugu horrayso Danta Degmada Boorama, sidaa awgeed imika laga bilaabo xilkaan hayey waxaan uga tanaasulay Danta Degmada iyo Horumarkeeda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Xildhibaannada Golaha deegaanka ka codsaday inay ka cafiyaan wixii dhex maray muddadii khilaafka Goluhu taagnaa “Waxaan u baahan nahay wixii soo dhex maray Golahayga inaan idinka cafiyo, idinkuna aad I cafisaan.”

Intaasi ka dib, fadhiga Golaha deegaanka Boorama oo ay goob-joog ka ahaayeen Masuuliyiin ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga, ayaa 20 Xildhibaan oo joogay Fadhigan aad Caadiga ahayn waxay 10 ka mid ahi u codeeyeen Saleebaan Xasan Xaddi oo ah Maayarka cusub ee la doortay, halka 9 Xildhibaan oo kalena u codeeyeen Xildhibaan Maxamed Dheerayste, waxa aan codaynin Guddoomiye ku-xigeenka Golaha deegaanka Boorama Ducaale Ileeye oo fadhiga guddoominayey.

Badhasaabka gobolka Awdal ayaa sheegay in Maayarka xilka iska casilay uu Hanti-dhowraha guud ee Qaranku ku soo eedeeyay Musuqmaasuq, wallow aanu sheegin nooca musuqmaasuqu yahay.

Maayarka cusub ee la doortay ayaa hore Maayar uga soo noqday Magaalada Boorama, waxaana Wakhtigaa Xilka Maayarnimo kala wareegay Maxamed Xuseen Maydhane oo uu Shalay beddelay.

Kaafimedia Boorama