Guriga Gaarka Ah Ee Madaxweynaha Oo Lagu Daray Diwaangelinta Hantida Ma Guurtada Ah Ee Dawladda.

0
120

Hargeysa, (Kaafimedia)-Diwaangelinta hantidii ma-guurtada aheyd ee dawladda ayaa muddo bil ah lagu soo dhameystiray, iyadoo muddadii ay hawshaasi socotayna uu ku naf waayey Nin ka mid ah hawlwadeenadii fulinayey, isla markaana Wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta waxay sheegtay inay heshay Dhul bannaan iyo Guryo kale oo ay dawladdu laheyd ilaa iyo xilligii uu dalkani ahaa maxmiyada Ingiriiska oo aan hore loo ogeyn oo aan diwaangashanayn.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, waxa uu ka warramay baaxada hawsha diwaangelinta Hantida Qaranka oo guud ahaan dalka ka fuliyeen muddo bil ah, iyo sidii ay ugu qabsoontay waxaanu yidhi “Labaatankii cisho ee u dambeeyey 17ka mid ah waxaan tegay Laascaanood, Ceerigaabo iyo ilaa inta Saylac u dhexaysa, waxaanu diwaangelinayna hantida ma guurtada ah ee dawladda, waxaananu wadnay muddo 23 cisho ah oo shalay soo gabagabowday, waxaana ka qayb qaatay 125 xubnood oo Injineero iyo shaqaalaha Wasaarada isugu jiray, meel aanu dhaafnayna ma jirto oo Guriga Madaxweynuhu ku jiro waanu diwaangelinay, waxaanu se dhaafaynay ciddii dikreeto/waraaq uu Madaxweyne ku siiyey ee cid kale oo aanu dhaafnay ma jirto”. Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in khasaaraha nafeed uu hawshaasi ka soo gaadhay, “ILAAHAY ha u naxariistii hawshaasi nagaga dhintay Nin Injineer ah oo lanagaga diley magaalada Qori-lugud”.

Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay inay heleen dhul bannaan iyo Guryo dawladdu leedahay oo aan hore loo ogeyn, “Waxaanu helnay dhul bannaan oo aan wali la isticmaalin oo ay dawladu laheyd ilaa Ingiriiskii, iyo waliba Guryo aan diwaangashanayn oo iyaguna dawladdu laheyd ilaa Ingiriiskii oo ka mid ah hantida ummaddu wada leedahay”.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay bilowga qorsheynta magaalooyinka dalka, “Waxaanu hadda bilaabaynaa qorshaha magaalooyinka (Master Plan), si aanu ugu sameyno saddexda bilood ee sanadka ka hadhsan Magaalooyinka Gabiley iyo Laascaanood oo kharash badani ku baxayo”.

Dhinaca kale, Wasiirka Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeyntu waxa uu ka hadlay qaabka ay wajaheen dhulka danta guud iyo khilaafka ka dhexeeya Dawladda Hoose, “Waxaanu badbaadinay dhul ka mid ah dhulka danta guud, waxaana is-hayn aan weyni naga dhexeysaa Dawladda hoose oo aanu leenahay wixii dhul dan guud ah ummadda u daaya oo xalay ayaanu wada hadlaynay Maayirka Caasimada, maadaama oo la yidhi dhulka Somaliland marka magaalooyinka laga hadlayo waa dhul Beeralay ah iyo dhul dawladu leedahay, markaa dhulka Beeraleyda ah 30% ayaa laga jarayaa marka magaalo ahaan loo isticmaalayo, dhulkii aan beeraley aheyna dawladda ayaa leh, taa macnaheeduna waa Hargeysa, Ceerigaabo, Gabiley, Borama, Laascaanood waa dhul beereed, markaa meel aanu sii deynayno Walaahi in aanay jirin”.

Kaafimedia Hargeisa Office.