Jaamac Ismaaciil Cige oo Ku Magac Dheer (Jaamac-Shabeel),Ka hor Intii aanu Noqon Gudoomiyaha Golaha dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ma Isweydiinaa Sidii uu Ku Noqdey iyo Halkii uu Kulmiye kasoo Galley?

0
41

Waxa uu Kamid ahaa Jaamac Shabeel Xubnihii Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa, Ee uu Gudoomiyaha u ahaa Maayar Jiciir Islamarkaana Xubnihii Mucaaridka ku ahaa Jiciir ee ay isku Beesha kasoo jeeddeen Xiliyaddii Yuusuf Kirix Cawed iyo Koox katirsan Golahaasi Mucaaridada Xoogan kala hor yimaadeen Maayar Jiciir Kooxdaas oo Yuusuf Kirix u ahaa Murrashaxa Doonaya in uu Badelo Jiciir Jaamac Waxa ay aad isugu dhawaayeen Islamarkaana, uu u iman jirey Caweysin kasta Cabdilaahi Maxamed Daahir Maalbaas(Cukuse), Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha oo ahaa Shakhsigii Sababta u ahaa in jaamac Shabeel Kamid Noqdo Xusbiyahanada Kulmiye Waxaanu Cabdilaahi Cukuse oo ay si aad ah isugu Furnaayeen Gudoomiyaha Xisbiga oo Markaa ahaa Madaxweyne Siilaanyo Waxa uu soo Kitaab Xidhey In Jaamac Shabeel Kamid Noqdo Xisbiga Kulmiye.

Jaamac Ismaaciil(Jaamac Shabeel), oo ahaa Aqoonyahan Lowyer ah Ama Garyaqaan Waxa uu Buuxiyey marka hore Jagadii Xisbigu u qoondeeyay Mujaahid Xasan Jaamac Guure oo Noqon lahaa Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga oo Wakhtigaasi Markii uu soo Dhawaadey Shirkii Golaha Dhexe ee Sanadii 2008dii Ku Qabsoomay Magaalada Burco Waxa uu Xiligaasi Xasan Guure jaamac oo ay Wada Socdeen Ashfaqo u Talaabey ama U Gudbey Dhinaca Puntland oo ay iska Heleen Rag Saaxiibo Dureed ah oo Katirsanaa Mucaaridkii Jabhadii SSDF ee ay Jabhadii SNM dhinaca Itoobiya Wada joogeen Khusuusan Waliba sida aan Filayo Kamid ahaa Raggii ka hadhey Markii SSDF Ku Xerootey Dalkii Soomaaliya iyagu ku hadhey SNM Sodaas ayuu Jaamac Shabeel oo uu Albaabka u Furey Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse), ku qabtey Xilka Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyaddoo Hubsiimadiisa laga qaatey laguna aaminay Cabdilaahi Cukuse oo ay isku Furnaayeen Axmed Siilaanyo oo ahaa Gudoomiyaha Xisbiga iyo Murashaxa Waxaaney Kala ahaayeen.

Jaamac Shabeel(Gudoomiyaha Golaha dhexe)
Allaahu Yarxam Cabdirisaaq Ciyaale(Xoghayaha Golaha Dhexe), iyo Maxamuud Jaamac Warfaa oo Noqdey(Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Dhexe).

Kadib markii Khilaafkii Murashaxiinta Jagada Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye dhacey Islamarkaana, ay Shirkaa Golaha dhexe dibadda uga baxeen Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Xaaji Cali Cadami Waxa iska Casiley Gudoomiye Kuxigeenkii Golaha Dhexe oo Raacey Labadaa Murashax Maxamuud Jaamac Warfaa(Wadka), oo hadda katirsan Golaha Wakiilada ahaana Gudoomiye Kuxigeenkii Golaha Dhexe ee Ku Xigey Jaamac Shabeel.

Sidoo Kalena, Waxa uu Mr Warfaa oo ka hadley idaacacada BBCda uu Sheegay inaanu shirkaasi Si cadaalad ah u dhicin lagu doortey Axmed Siilaanyo iyo Saylici halka Markii shirku dhamaadeyna Alaahu Yarxam Cabdirisaaq Ciyaale iska Casiley Xoghayihii Golaha Dhexe Isagoo Warbaahinta u sheegay, in uu Shirkaasi Cadaalad u Dhacey haseyeeshee, uu isagu isku casiley Saluugayna Xubnaha Beeshiisa laga siiyay gudida Fulinta iyo Golaha Dhexe Jaamac Shabeel Wuu ku adkeystay Kaalintaasi.

Waxa Xusuus mudan, In jaamac Shabeel Mar laweydiiyay Hadda Gudoomiyaha Xisbiga Kukmiye iyo Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin yihiin, Ragg Askar ah oo aaney Hogaankan ay Rabaan ee talada dalku aheyn mid loo Baahan yahey Maadaama Siyaad Barre Lagula dagaalamay Askarinimadda Muxuu kaga Jawaabey Su.aashaasi?

C/raxmaan Hiiraan