Qalbi-dhagax Oo La Waydiiyey Inuu Bixiyey Amar La Sheegay In Jabhadda ONLF Ku Gubtay Gaadiid Laga Lahaa Somaliland.

0
136

Hargeysa,  (Kaafimedia) – Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka mid ah Saraakiisha Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta Itoobiya oo Maalmihii u dambeeyay booqasho ku joogay Magaalada Hargeysa oo uu Marti-qaad ku yimid, ayaa ka jawaabay eedaymo Dad reer Somaliland ahi ugu jeediyeen inuu ahaa Masuulka bixin jiray Ammarro la sheegay in Jabhadda ONLF ku gubtay gaadiid faro badan oo laga lahaa dhinaca Somaliland.

Qalbi-dhagax oo  Waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sidoo kale sheegay in safar uu ku marayo deegaannada Soomaalidu degto aanu ku marin doonin Magaalada Muqdisho, halkaasi oo sannad ka hor Dawladda Federaalka Soomaaliya ka qabatay isla-markaana uga dhiibtay Dawladda Itoobiya.

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ugu horreyn ka jawaabaya Dad reer Somaliland ah oo sheegay inuu ka mid ahaa Masuuliyiinta ONLF ee bixiyey amarrada Jabhaddaasi ku gubtay Gaadiid badan oo ku safrayey dhulka Ogaadeeniya ee Gudaha Itoobiya, ayaa yidhi “Xilli hore waan maqli jiray inkastoonan goob-joog u ahayn (Gaadiid la gubay), Amarna kumaanu bixin, Qorshe ururku leeyahayna ma ahayn, Dadkii deegaankuna way fulin karayeen hawshan (Baabuurta la gubay), ururka laftiisa way jirtay in marmar dhibaatooyin soo dhex galayeen, laakiin Qorshe Ururku leeyahay ma ahayn.”

Qalbi-dhagax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “ONLF hadday reer Somaliland Colaad u qabto Baabuurta Dadka saaran ayay qaban lahayd, xukumi lahayd, markaa ma ahayn Colaad qorshaysan, Aniga iyo Masuul kale midna amar kumaanu bixin (In la gubo gaadiidka reer Somaliland), qorshe jabhadeedna ma ahayn, laakiin waxay ahayd Khaladaadyo dhacayey oo Dadku kaga jawaabayeen cadhooyin ay qabeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Hase-ahaatee waxa jiray Dad ay Itoobiyaanku hubeeyeen oo akhlaaq xun oo Maleeshiyaad, Daba-qoodhi iyo Liyuu Booliis ayaa jiray, markaa doorka aanu ku lahayn aad bay u yar tahay, manuu ahayn Qorshe ONLF lahayd..”

Qalbi-dhagax oo Shalay gaadhay Boosaaso ayaa sheegay in Puntland ka dib uu muddo ku sugnaan doono Galmudug “Safarkayga ku xiga Puntland wuxuu noqon doonaa Galmudug, sida Cadaado, Gaalkacayo, Dhuusu-mareeb, muddo halkaas ayaan joogi doonaa. Muqdisho waxa jooga Dad Soomaalinimadu aad ugu weyn tahay, waxa jooga labadii aqal ee Baarlamaanka oo Qaddiyaddaydii iyo Dambigii laga galay Soomaaliya aad u difaacay, intuba way mudan yihiin inaanu soo salaano, haddii Alle yidhaahdo Xilli ku habboon ayaanu soo salaami doonaa, laakiin Caddayn karo inaan imika Muqdisho toos u tagayo, mana rabo inaan Qolada kale arko (Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa)…”ayuu yidhi.

Kaafimedia