“Cidna Ma Ballan-Qaadi Karto Annagaa Gar-Xajis Keenayna, Ee Madaxweynuhu Yaanu Cidna Sugin…”

0
47

Hargeysa, 2 October, 2018 (Kaafimedia) – Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ka soo qabtay Xilal Wasiirnimo oo badan, ayaa ka hadlay Tabasho uu sheegay in Beelaha Gar-xajis oo uu ka soo jeedaa ka qabto Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cabdillaahi Geel-jire wuxuu sheegay in tabashada Beelaha Gar-xajis ka qabaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay ahayn Tabasho u gaar ah iyaga, balse ay tahay mid ay ku doonayaan in lagu saxo khaladaad uu tilmaamay inay ka jiraan Dalka, sida Cadaaladda.

Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo Wareysi siiyey Telefiishanka Somali Cable, ayaa ugu horreyn ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sida uu u arko booqasho la sheegay in Madaxweyne Biixi uu habeen Saddexaadkii ku tagay Xaafadda New Hargeisa ee Bariga Caasimadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waa wax lala yaabo inay war noqoto Madaxweynihii baa 10 bilood ka dib yimid Xaafad ka mid ah Hargeysa, Madaxweynaha oo reer Hargeysa  ah, weliba ah Mujaahid Dalkan geed geed iyo Qof qof u yaqaan in loola dhaqmo sidii Badhasaab Ingiriis ah oo meel ku xidhan in la yidhaahdo Maanta ayuu soo baxay waa wax aynaan filayn, hawl intaa ka badana waa looga fadhiyaa haddii Allaah yidhaahdo.”

Geel-jire oo la waydiiyey tabashada Beelaha Gar-xajis ka qabaan Xukuumadda cusub ee Somaliland, ayaa ku jawaabay “Deegaanka aanu ka soo jeedno cabasho weyn baa ka jirta, cabashaduna maaha wax ay naftooda u doonayaan. Haddaad ogayd go’aannadii ka soo baxay Shirkii Buurta Gacan-libaax (Waxa ku jirtay) Caddaalad guud oo Waddanka ah (in la helo), isagana waxay hore ugu sheegeen, Dadka oo dhana ugu sheegeen inay dareensan yihiin in sidii aynu doonaynay aanay waxba u socon, markaa waxay doonayaan in ta guud la hagaajiyo ee maaha waxay iyagu gaar u doonayaan, waana wax wanaagsan in wax la iswaydiiyo oo la yidhaahdo ‘Waar waxbaa innaga si ah’ ee aynu isla eegno, inay taa yidhaahdaana waanu ku raacsanahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu xusay in Beelaha Gar-xajis samaysteen Guddi Afkooda ku hadli karta “Waxay samaysatay Guddi awood laga soo siiyey Shirkii Gacan-libaax, iyagaana ku hadli kara Afka reerka iyo Salaadiin Mus-dambeed u ah.”

Geel-jire oo la waydiiyey sababta ay siyaasiyiinta uu ka midka yahay doorkooda u qaadan waayeen oo ay iskugu soo dhaweyn waayeen Xukuumadda iyo Waxgaradka beeshiisa, ayaa yidhi “Looma baahna siyaasiyiintayadu inay dhex cararraan labada dhinac, iyadoon Madaxweynuhuna diran, Guddiguna aanay diranin, oo iyadoon wakhtigeedii gaadhin aanu (faro-gelino). Markaa Siyaasiyiintayada waxaan leeyahay dedaalku wuu inala gudboon yahay, laakiin waa inoo noqdaa wax aynu si wanaagsan uga fiirsanay oo aynu uga shaqayney, Cidna aanay dan gaar ah ka lahayn.”

Siyaasi Cabdillaahi Jaamac Cismaan, wuxuu sheegay inaan Cidna ballan-qaadi Karin inay keento Beesha Gar-xajis, sidaas darteed loo baahan yahay in Madaxweynuhu waajibaadkiisa qabsado “Cidna ma ballan-qaadi karto Annagaa Gar-xajis keenayna, waddanakana waa la wada leeyahay, Madaxweynuhuna waa Madaxweynaheenii, isaguna maaha inuu Cidba sugo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Maanta toban bilood ayuu fadhiyaaye waxay ila tahay in sidaa uu imikaba hawshiisa u bilowday inuu Dadka soo gaadho, wixii Tanaasul looga baahan yahay ka tanaasulo, Culayska iska qaado, si uu Dalkan u horumariyo.”

Ugu dambayn, Geel-jire wuxuu sheegay in Xukuumaddu Madaxweyne Biixi aanay isku miisaanayn, marka la eego Xilalka “Marka la isku daro Xilalka uu imika magacaabay iyo kuwii hore u soo joogay Dheelli-weyn baa jira.”ayuu yidhi.

Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa ka mid ah Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Himilo

Kaafimedia