Kalsoonidii Shacabka Ee Madaxda Dalkaasi Soomaaliya Oo Hoos U Dhacday Iyo Sababaha Keenay Oo Daraasad Lagu Soo Bandhiga.

0
57

Muqdisho (Kaafimedia)-Daraasad si wada jir ah u diyaariyeen hay’adaha Ipsos Limited iyo Farsight Africa Research ayaa lagu sheegay inuu jiro hoos u dhac weyn oo ku yimid kalsoonida Shacabka ay ku qabeen madaxda Qaranka dalka Soomaaliya marka la barbar dhigo sanadkii 2017da.

Aragtiyo kala duwan oo laga soo ururiyey dadka ku dhaqan gobollada ayaa isku khilaafsan jihada uu ku socdo, Tusaale ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir oo ay ku taalo caasimadda dalkaasi ee Muqdisho oo ay 34% muwaadiniinta ku nool ay rumeysan yihiin in waddanka uu ku socdo jiha khaldan.

Aragtidooda ayaa waxay ku salleynayaan dadka fikiradahan la weydiiyay amni darrada, musuq-maasuqa, si xun u isticmaalka dhaqaalaha iyo weliba gaabiska ku yimid kobaca dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, marka la eego heerka kalsoonida ay ku qabeen shacabka madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhacday marka loo eego sanadkii 2017da oo ah waqtigii loo doortay xilka madaxweynaha.

Kalsoonidii Madaxweynaha ay ku qabeen shacabkiisa, iyadoo sanadkii 2017-kii, heerka kalsoonida madaxweynaha ay mareysay 86%, balse haatan ay tahay 67%, tan oo weli ah tiro aad u sarreysa marka la barbardhigo inta badan madaxda dunida.

Kalsoonida ra’iisal wasaare Kheyre ayaa laftirkiisa la leeyahay si weyn ayey hoos ugu dhacday 62% halka sanadkii 2017 ay aheyd 83%.

Kalsoonida ay shacabku ku qabaan golaha wasiirada ee ra’iisalwasaare Kheyre ayaa sidoo kale hoos u dhacday marka loo eego sanad ka hor oo ay aheyd 86% halka haatan ay ka tahay 49%.

Anthony Ndirangu oo ah madaxa Cilmi-baarista ee IPSOS /Farsight, oo ka hadlay daraasadan ayaa waxa uu yidhi, “Hoggaamiyeyaasha dowladda ayaa si dhakhso ah u luminaya kalsoonida shacabka, Waxa muhiim ah in wax laga qabto meelaha aan shaacinay in dowladdu ku lumisay kalsoonida shacabkeeda, si dadka looga qanciyo waxyaabaha ay tabanayaan”.

Kalsoonida ay dadweynahu ku qabaan ciidanka booliska iyo kuwa millatariga ayaa si siman hoos ugu dhacday ilaa ay gaadhay heer ay shacabku aaminaan inay ku guul dareysteen waajibaadkooda ah sugidda amniga dalka.

Dhinaca maamul gobolleedyada:-

Shacbiyadda madaxda maamul-goboleedyada ayaa guud ahaan aad ugu hooseeysa gobollada, Laba ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada oo keliya ayey shacbiyaddooda ka badan tahay 50%, taa oo ka dhigan in afarta kale ay ka hooseeyaan 50%.

Madaxweynaha Koondur Galbeed Soomaaliya 55%.

Madaxweynaha Jubbaland 52%.

Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Galmudug 43%

Madaxweynaha Puntland 31%.

Guud ahaan marka la eego cilmi-baadhistan ayaa waxay si weyn u saameysay hay’adaha dowladda oo dhan, sida fulinta, baarlamaanka, garsoorka, iyo waliba hay’adaha amniga, dhammaantood-na waxay sheegtay daraasadu inuu ka jiro hoos dhac iyo kalsooni darro ay shacabka ka muujinayaan.

Daraasadan ayaa immanaysa xilli dalka uu ku jiro jaha wareer siyaasadeed, gaar ahaan marka la eego khilaafka dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada iyo waliba doorashooyin xasaasi ah oo ku soo fool leh qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka jira, oo madaxweynayaasha hadda tallada haya doonayaan inay kursiga baaqi ku sii ahaadaan.

Kaafimedia Muqdisho,