Nuxurka Wareegto Ka Soo Baxaday Xukuumadda Ayaa Adeegyo Qaran Oo Muhiim Ah Oo Ay Shirkaddo Gaar Ahi Gacanta Ku Hayeen Dib loogu Soo Celiyey Gacanta Dawladda iyo Qodobada loo Cuskaday. .

0
90

Madbacadda Qaranka Oo Lagu Wareejinaysa daabacaadda liisamada & buugta baabuurta, baasaaboorrada, dhokumantiga waddo-marista iyo dhokumentiga Stamp tax ka

Akhri wareegto Wasaaradda Maaliyaddu soo saartay oo lagu buriyay Heshiisyaddii lagu wareejiyay daabacaada documents-ka leh qiime lacageed ee shirkadaha SICP, SGS iyo GTS ay Gacanta ku hayeen

Hargeysa (Kaafimedia) Wasaaradda Maaliyadda oo shalay soo saartay wareegto ay Madbacadda Qaranka Ku Wareejinayso daabacaadda liisamada baabuurta, buugta gaawaadhida, baasaaboorrada, dhokumantiga waddo-marista iyo dhokumentiga Stamp tax ka Wareegtadaas ayaa iyadoo dhamaystiran u dhugnayd sidan:-

Wareejinta Daabacaada Dhukumantiyadda Leh Qiimaha Lacageed.

Markaan Arkay:  Muhiimadda ay leedahay in la koriyo lana tayeeyo Madbacadda qaranka si loo ilaaliyo Xogta iyo sirta muhiimka ah ee dawladda.

Markaan Xaqiiqsaday:  Mihiimadda ay leedahay la soo noqoshada daabicista Documentska dawladda, oo il-duuf sharci ku jiro habka loo wareejiyay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act).

Markaan Arkay:  Mihiimadda ay leedahay in dawladdu la soo noqoto Daabicistii Documents-ka qiime Lacageed ku taagnaa sida: Samaynta Baasabooradda Qaranka, Samaynta Liisamadda lafta ah ee Wadista baabuurta, Samaynta cashuurta ku dhejinta, Samaynta Stickers-ka Cusboonaysiinta Wado Marista & Liisamadda iyo Samaynta Buugga Dhaqdhaqaaqa gaadiidka, sababo la xidhiidha ilaalinta Sirta Qoraaladda Qaranka iyo arrimo dhaqaale awgeed.

Markaan Xaqiiqsaday:  In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey Daabicista Documents-ka leh qiimo lacageed ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud Masuulka ka ahaa in aanay ku jirin danta guud ee qaranka, isla markaana ay ka hor imanayso waajibka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ka saaran ilaalinta Documents-ka leh qiimo lacageed.

Markaan Ogaaday: in Foojari badan lagu sameeyay liisanka wadista baabuurta oo imika baadhistiisa ay wadaan hantidhawrka Guud ee Qaranku.

Markaan dhagaystay: Taladda saraakiisha iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay ka bixiyeen ahmiyadda Hawshani Qaranka u leedahay.

Markaan Helay:  Talo soo jeedinta Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiiradda, amarka fulinta ah ee Madaxweynaha JSL kuna saabsan la soo noqoshadda Dhukumentiga leh qiimaha lacageed iyo talo bixintii sharci ee heshiisyadda shirkadaha Horn African Facility Management, Somaliland ID card Publisher, Moon Light Company, Sahal Global Solutions iyo Global Tech Solution.

Waxaan Go’aamiyay

  1. In la buriyay Heshiisyaddii ku taariikhaysnaa 01/07/2014, 01/01/2016 iyo 15/11/2017 ee lagu wareejiyay daabacaada documents-ka leh qiime lacageed:- Liisamadda Wadista gaadiidka “Somaliland ID card Publisher”, Stickers-ka Wado Marista iyo Cusboonaysiinta liisamadda “Sahal Global Solutions” iyo Buugga Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka “Global Tech Solution”
  2. In aan la cusboonaysiinayn heshiisyaddii ku taariikhaysnaa 19/11/2013 iyo 01/11/2011 ee lagula jiray shirkadaha daabacaada Baasabooradda “Horn African Facility Management” daabacaada cashuurta ku dhajinta “Moon Light Company”, maadaama heshiiskoodu dhacay, laguna wareejiyo daabicistii baasabooradda iyo cashuurta ku dhejinta Madbacadda Qaranka.
  3. In Madbacadda Qaranka lagu wareejiyo gabi ahaanba Daabicistii Documentskii lahaa Qiimaha lacageed, si sharciga waafaqsan Daabicistiisii, gacan-ku-hayntii iyo Qalabkii lagu daabacayayba sida ka lagu daabacayay buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka “GTS” iyo ka lagu daabacayay liisamadda wadista Gaadiidka “SICP”.
  4. In Wasiirku-xigeenka W/H/Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud, Agaasimaha Guud ee W/H/Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee W/gaadiidka & H/Jidadka iyo Mareeyaha Madbacadda Qaranku ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ka galay shirkadaha Somaliland ID card Publisher “SICP”, Sahal Global Solutions “SGS” iyo Global Tech Solution “GTS”, isla markaana ula wareegaan sida ugu dhakhsaha badan leh.
  5. In Wasaaraddaha iyo Hay’addaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta Qodobbadan kor ku xusan.

Allaa Mahad Leh

Yuusuf Maxamed Cabdi

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Kaafimedia Hargeisa Office.