Somaliland: Wasiirka Qorshaynta oo Nairobi Kula Kulmay Danjireyaasha Caalamka

0
39

Hargeysa(Kaafimedia)- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah  Mudane Cawaale Ibraahim  Shirwac oo maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay  qaar kamida dalalka Somaliland ka taageera dhanka horumarka.

Wasiirku wuxuu kulamo kala gaar gaar ah la  yeeshay madaxa horumarinta dhaqaalaha ee ururka Midawga Yurub ee  Somaliland iyo Somalia, wakiilka Baanka adduunka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, wakiilka Baanka Horumarinta dalka  Jarmalka u qaabilsan Bariga Afrika, iyo diblomaasiyiin ka socday  dalalka ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Shirarkaasi   waxa lagu falanqeeyey  sidii loo dhammays tiri lahaa mashruuca Biyo ballaadhinta caasimada Hargaysa iyo  ka soo  kabashada dadkii ay saamaysay Duufantii Sagar.

Wasiirka Qorshaynta  Cawaale Ibraahim Shirwac  wuxuu   kala hadlay masuuliyiintii uu kula kulmay Nairobi  wejiga labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

SOLNA

Kaafimedia