Shaqaalaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo hay’ado ugu shaqeyn jiray kumannaan doollar haddase dowladda ugu shaqeeya boqolaal doollar

0
37

an iyo markii uu isbadel maamul ka dhacay Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaa inbadan isbadel lagu sameeyay dhammaan maamullada gobollada iyo degmooyinka.

Isbadalkaasi ayaa sababay in shakhsiyaad cusub ay xilalka la wareegaan, halka kuwii hore oo intooda badan lagu eedeeyay in ay hayeen shaqooyin aysan xirfad u lahayn ay xafiisyada banneeyeen.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Mustafe Muxumed Cumar ayaa isbadalladan ku tilmaantay dib u habayn laagu samaynayo shaqaala heer deegaan.

Dadka xilalka loo magacaabay ayaa qaar kood ah shakhsiyaad ka shaqeynayay hay’ado caalami ah oo kumannaan doolar ku shaqeyn jiray basle haatan mushaarkoodu yahay 300 oo doolar.

Hase yeeshee wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududda shaqaalaha, Xasan Aadan Xasan, oo u warramay BBC-da ayaa ku gacan seyray shakiga ah in shakhsiyaadkani ku shaqeyn jiray lacagta badan balse haatan qaadanaya mushaarka yar ay dhici karto in ay lunsadaan hantida umadda, si ay u buuxiyaan baahidooda dhaqaale.

“Nin 5,000 oo doolar cunayay (qaadanayay) oo maanta u fadhiya mushaarkiisa 300 oo doolar ah, waxaan u maleynayaa, waxa uu u yimid ma ahan hanti raadis balse wuxuu u yimid in bulshadiisa uu u shaqeeyo oo dhibaatooyinkii iyo hagardaamadii ay ku jirtay uu ka saaro. In dareenkaasi uu ku jiro ayaan aaminsanahay,” ayuu yiri Xasan Aadan Xasan.

“Maya, mushaar ma ahan waxa ay u yimaadeen, ee waa in deegaankooda iyo dalkooda iyo shacabkooda u shaqeeyaan. Mushaar haddii ay noqoto, mushaarka hadda la siinayo afar jibbaar iyo shan jibbaar ayay heli jireen, laakiin waxa ay u danqadeen in bulshadooda u shaqeeyaan, dalkoodana u shaqeeyaan.”

Inkastoo xukuumadda cusub ee dowlad deegaanku ay ku doodeyso in isbadalladani aysan dhibaato ku ahayn bulshada deegaanka, haddana waxaa jirta cabsi ay qabaan qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowlad deegaanka, kuwaasi oo ka cabsanaya in shaqada laga eryo oo ay shaqo la’aan ku dhacdo.

Cabsida shaqaalaha dowladda

Xasan Aadan, wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududda shaqaalaha ayaa ku doodaya in aysan jiri karin cabsidaasi maadaama buu yiri aanay jirin cid ay si gooni ah u bartilmaameedsanayaan. Waxaa kale oo uu sheegay in shaqaale la eryay aysan jirin balse intooda badan ay shaqaalahaasi cabsadeen oo ay shaqooyinkooga isaga tageen.

“Shaqaalaha heer deegaan waxa weeyaan, nidaam baa lagu dhaqmaa. Nidaamka lagu dhaqmayana waa nidaamkii maamulka shaqaalaha. Nidaamka shaqaalaha marka aan ku dhaqanno, shaqaalaha xuquuq bey leeyihiin,” ayuu yiri Xasan Aadan.

“Shaqaalihii heer gobol iyo heer deegmo wax eryay ma jiraan, iyaga ayaa dareen ay qabaan u cararay ee wax la eryay ma jiraan. Taa innaga ayaa u joogna, annaga ayaa la socon doonno oo dhibaatooyinka jira la xallin doono.”

Waxaa uu intaasi ku daray in maamulka dowlad deegaanku uu ka shaqeynayo sidii loo xaqiijin lahaa in shaqaalaha ka walwalsan mustaqbalka shaqadooda ay la xalliyaan dhibaatooyinkaasi.

“Shaqaalaha xaquuqdooda waa la ilaalinayaa, waxaana lagu ilaalinayaa nidaamka maamulka shaqaalaha oo kaliya. Xuquuqdooda maadaama aan u taagannahay, wax dhib ah oo ka imaanaya in uusan jirin baan aaminsannahay. In xafiis ahaan aan la xallin karno dhibkooda, in aan goobaha shaqada ku celin karno oo goobtii ay joogaanba aan geyn karno maanta,” ayuu yiri Xasan.

Maamulka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida oo xukunka la wareegay kaddib markii ciidamada federaalka Itoobiya ay xabsiga u taxaabeen madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar ayaa durbaba dillaabay isbadallo dhinacyo badan taabanaya.

Balse isbadalladaasi ayaanan ahayn kuwo ay ku wada qanceen shacabka, iyadoo taageerayaasha maamulkii hore ay isbadalladani u arkaan kuwo siyaasadeed oo iyaga lagu bartilmaameedsanayo.

Isbadallada ugu muhiimsan ayaa ah in maamulka cusub uu xiray xabsiga caanka ah ee loo yaqiin Jeel Ogaadeen oo ahaa xabsi tacaddiyo loogu geysan jiray maxaabiista ku xiran.

Xabsigaasi ayaa dawladdii hore ee deegaanka Soomaalida waxay sheegi jirtay in dadka xabsigaasi lagu hayo loo samaynayo dhaqan celin balse hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegayay in halkaasi tacaddiyo loogu geysan jiray maxaabiista.

Maamulka cusub ayaa 22-kii bishii Sebteembar ee sanadkan albaabada u xiray xabsigaasi, waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqay in xabsigaasi laga dhigi doono matxaf ama meel alaabaha hiddaha iyo dhaqanka lagu kaydiyo.

bbc

Kaafimedia Hargeisa