Somaliland Oo Ka Qaybgashay Shir Caalamiya Oo Ka Dhacay Dalka Rwanda Oo Laga Hadalayey Doorka Haweenku Ka Qaadan Karan Hormarka Qaraada Afrika Iyo Ilaalinta Xuquuqadda Haweenka.

0
100

Hargeisa (Kaafimedia)shir ka dhacay magaaladda Kigali ee caasimadda Rwanda oo laga hadlayey xuquuqada haween aduunka gaar ahaan haween qaraadd Africa dhinaca Somaliland waxa ka qabgashay  Muna magan   oo matalisay  reer Somaliland  shirkan ayaa laga hadlay Hannaan Caalami Ah Oo Loogu Talagalay Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Taageerada Hoggaamiyayaasha Haweenka Afrika  Suurtogalnimada Sare loogu qaadi karo aqoontood siidii loo dareeyeli laha arimaha haweenka qaraadka afrika .

qodobada ugu waaweyna  shirka lagaga hadlay wax aka mid ahaa  waxay tahay inay muujiyaan suurtagalnimada jiilka cusub ee hogaamiyayaasha haweenka Afrika ee heerarka kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo gobolka, si loo xoojiyo hoggaamiyayaasha Afrikaanka iyo caalamka ee  adeega Afrika ee cusub iyo kuwa loo dhan yahay.

Shir sannadeedka ayaa lagu  soo bandhigay qaaradda  afrika sidii dumarku kaalin uga qaada lahayeen dhinaca siyaasada dhaqaalaha hanaan doorashooyinka  ee xilalka hogaaminta haweenka taasi oo dhabada u jeexaysa hormar waara oo la gaadhisiy qaraadka afrika sidoo kale waxa lagag hadlay doorka ay ka qaadan karaan dhalinta afirka  go’aan qaadayaasha ku hawlan isbedelka qaaradda.

Muuna magan ayaa intii u shirku socoday ku bandhigtay hormarka haweenka Somaliland ka sameyeen dhinaca doorashooyinka xilal kale ee dawladda  iyo xuquuqada haween sida loo ilaaliyo waxayna tilmaantey inuu madaxweynaha somalilland haweenka siyey qaando u gaar dumarka tartaranka golayaasha qaranka oo u dhiganta %25

480 dumar iyo rag, oo ka kala socday 70 waddan oo ay ka mid yihiin 52 wadan oo  Afrika, ayaa ka qayb galay kana qayb qaatay barnaamijyo kala duwan oo dhamaystiran si ay fikirkooda, kobciyaan aqoontooda ku saabsan mawduucyada muhiimka ah iyo kuwa wadamada.

Kaafimedia Hargeisa