Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo U Xustay Maalinta Cuntada Adduunka Iyo Qorsha La’aanta Wasaaradad Dhinaca Wax-Soo Saarka Dalag Beeraha.

0
90

Hargeysa (Kaafimedia) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Maanta si weyn u xustay Maalinta Cuntada Adduunka oo Sannad kasta Adduunka oo dhan laga Xuso 16-ka bisha October.

Munaasibad si Wanaagsan loo soo Agaasimay oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md. Axmed Muumin Seed, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Dr. Axmed Cali Maax, Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha, Deegaanka, Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka, Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa Eng. Jiciir, Masuuliyiin ka socday Hay’adaha ay Wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Beeraha, Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Iskaashatooyinka Beeraha ah ee Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Dr. Axmed Cali Maax oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeeddada loo qabtay Munaasibadda iyo Waxqabadka ay illaa hadda Wasaaradda Beeruhu ku tallaabsatay, waxaanu yidhi “Waxqabadka Wasaaradda Beeraha ee 2018 maaha wax la sheeg-sheego ee waxaad ka arki karaysaan Mashaariicda ay Wasaaradda horumarinta Beeruhu fulisay, Mashaariicdaas oo ah in markii ugu horreysay Dawladda Somaliland oo aan Cid kale la kaashanayn ay bixisay Saddex Mashruuc oo aanu ku qiyaasnay inuu yahay 2350 Higtar, dhulkaas oo lagu beeray Dalagyo kala duwan.”

Agaasimaha Guud oo sii hadlaya ayaa sheegay “Hadhuudhkii iyo Galaydiiba waa la soo saaray ee waxa meesha yaalla in la cuno Cuntadaa Waddaniga ah ee la soo saaray.” Ayuu yidhi.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Eng. Xuseen Buuni oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Haddaynaan Dadka Beeralayda ah dhiirigelin oo aynaan ka iibsanin waxay soo saaraan ma suurto-galayso in wax la soo saaro.”

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Beeralaydii hore waxay ahaayeen kuwo aan Cagaf loo geyn jirin, Lacag aan loogu dari jirin, laakiin Maanta Wasiirka Beeruhu wuxuu idinla dul taagan yahay Cagaftii, Siidhkii, wuxuu idinla dul-taagan yahay Biyihii..”

Wasiirka Horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore oo ka mid ahaa Masuuliyiinta khudbadaha ka jeediyey Xuska Maalinta Cuntada Adduunka ee Wasaaradda Beeruhu soo qaban-qaabisay ayaa yidhi “Xuska Maalinta Cuntada Adduunka waxa loo dhigayaa in Qofka bani-aadamka ahi uu wax la soo baxo, si uu u noqdo Qof ku nool Sharaf, Karaamo iyo Caafimaad ahaan.”

Xuska Maalinta Cuntada Adduunka oo ay hadallo ka soo jeediyeen Xubno ka socday Hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Beeraha JSL, Xubno ku hadlay Afka Beeralayda ka soo qayb-gashay, ayaa waxa Gebogabadii hadal ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, waxaanu yidhi “Waxaad arkaysaa in Adduunyadu u soo socoto dhinaca wax Soo-saarka, Waddan walbana hadhow wuxuu gaadhayaa in waxa uu soo saaro uu keligii ku fillaado, sidaa darteed haddii reer Somaliland ay doonayaan inay Cuntada Dibedda ku soo tiirsanaadaan yaa Cuntada inoo keenaya.”

Wasiir Seed waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu u baahan nahay inaynu ku tashanno Tujaarteena, Dawladda iyo Beeralaydu sidii aynu Dalkeena wax ugala soo bixi lahayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Wasaaradda Horumarinta Beeruhu iyadoo ka duulaysa siyaasadda Dawladda ee uu hoggaanka noogu yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu rabnaa inaanu taa sii xoojino, waana markii u horreysay ee Xukuumadda talada haysaa ay Miisaaniyadda ku darto Saddex Mashruuc oo aanu ka hirgelinay Saddex Gobol oo ka mid ah Somaliland.”

Wasiir Axmed Muumin Seed, waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay in Wasaaraddu ay Mashaariic dhul Beeris ah laga hirgelin doono Gobollada Sool iyo Sanaag “Sannadka soo socda waxaanu ku dari doonaa inaanu Gobollada Sool, Awdal iyo Sanaagna ka hirgelinayno Wax soo-saarka oo aanu awood badan saarayno. Gobolladaa Gobol walba waxa lagu tixgelin doonaa Miisaaniyadda sida uu wax ula soo baxo, si loogu tartamo wax soo-saarka Waddanka oo aynu uga maarano Cuntada dibedda inooga imanaysa.”ayuu yidhi.

Kaafimedia Hargeisa Office.