Maxaa Ku Dhacay Hormoodkeenii Hibada Lahaan Jiray ?

0
42

Midnimada ummadda waxaa laga dhaxlaa wada noolaansho, is dhex-gal, wax wada-qabsi, bulshadaasina isbeddel dhinaca horumarka ah oo xawli ku socda  ayay ku dhaqaaqdaa.

 

Meelaha uu ka jiro koboca nidaamka sababa wax wada-lahaanshaha, Qaranimada iyo is aaminku waxaa ka soo baxa dad garaadkoodu sareeyo kuwaas oo noqon kara ummado dhan ama shaqsiyaad.

 

Isku dhex jirka ummadaha kala degaanka ah ama kala reerka ah waxaa ka soo dhex baxa oo magac iyo muunaba ku dhex yeesha  shaqsiyaad Eebeheen hibooyin gaar ah ku galaday.

 

Akhriste, shaqsiyaadka aan soo sheegnay ee hibada ama dedaalka magaca ku yeeshay, kamay soo dhex ifin sida shamaca inta ay magaca Qabiil wadaagaan ama degmada uu ku abtirsado, balse waxaa uu u hibeeyay dedaalkiisa iyo Aqoontiisaba duul meelo kala duwan ka yimid, balse ay midaysay argti Qaranimo.

 

Inaad noqoto Qof caan ah oo bulshadu sharafto ama Qaddariso waxaad ka kasban kartaa Bulsho bulshooyin is dhex galay oo isku duuban isla-markaana xor ka ah Hebellaysi, xigtaysi iyo Qof jeclaysiga. Bulshada caynkaas ahina waata mar walba xagga hore soo marisa Indheer-garadkooda aan Talooyinkooda lagu jabin.

 

Samo-taliska, hoggaamiyaha, maamulaha, suxufiga iyo waxgaradka wanaagsan waa kuwo bulshadoodu kaga dayan karto sida dhaqankoodu yahay, haddii sidaa lagu sifoobana waxaa halkaa ka soo baxaysa Bulsho lagu tilmaansado akhlaaq wanaag iyo caddaalad.

 

Dadyowga Soomaalida ugu magaca dheer ee lagu majeerto wanaag ama Hibo uu ummaddiisa dheeraa, haddaad xogtiisa doonto waa qof sharafkiisa ka ilaaliyay in bar wasakh ah gaadho.

 

Dadka wax bartay qof kasta oo ka mid ah waxay ku taageeraan Hal-abuurka uu la yimaaddo, waxaad arkaysaa dadka baahiyaha gaarka ah leh ama qof xubnahiisu aanay shaqaynayn oo madaxa ka xanuusanaya, oo Madax iyo shacabba la ixtiraamayo, markuu saacad aamusnaadaba ee hadalka uu soo dhirindhirinayo hal kalmad ama eray uu qoro sacab iyo fooladayn lala boobayo, dhaqankaasi waa  sifooyinka wanaagsan ee kuwa aan Diinteena macaan haysanin ay ka qaateen Diinteena.

 

Dhawrsanaanta markaanu ka hadlayno, dhaqanka Soomaalida waxaa la odhan jiray ninka garta leexiya  ama carrabkiisa laga nabad-geli waayo  markuu aftahamadiisa ku naqo gar eexo, cawaaqib xumadu waxay ka muuqan jirtay qoyskiisa ama ubadkiisa.

 

Wax ka sheega qof muslim ah ayaa lagu mutaystaa danbi sida Quraankeenu inoo sheegay, sidaasi awgeed Dadka kala duwan ee wax qora waxaa waajib ku ah in ay hubsadaan waxyaabaha ay baahinayaan in ay ku qotomaan xaqiiqda ama faa’iido u leeyihiin Dalkeena.

 

Waxaa jira dad aan awood u lahayn in ay Warbaahinta iskaga difaacaan warar laga sheegay oo tabanaya in aan xaqiiqda loo marin waxa laga baahiyey, sidaa awgeed Cid walba oo xog baahin karta waxa waajib adag ka saaran yahay in ummadda rumaysanaysa Wararkooda inay u soo bandhigaan Warar hufan oo been abuur iyo isku dir ka dheer, kuwaasi oo ay qayb ka tahay caddaymo xaqiijinaya Warkaasi, sida Maqal, muuqaal ama qoraalba ah.

 

Sidaasi si la mid ah, Xukuumadda iyo Hay’adaha kala duwan waxaa looga fadhiyaa in ay ilaaliyaan xorriyadda hadalka iyo xaqa loogu leeyahay in laga helo Wararka ku saabsan hawlaha ay Dadweynaha u hayaan.

Qormadan waxaanu ku soo afmeeraynaa haddii is dhex-galka ummadda iyo wax wada-lahaansha iyo wax wada qabsiga iyo isku duubni lagu sifoobo waxaa soo noqon doona horumarka dhinac walba ee bulshadeena, waxaana dhexdeena ka soo muuqan doona ninkii hibada lahaa ee indheer-garadka ahaa.

 

Wa bilaahi towfiiq

Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye