Faysal Cali Waraabe Oo Weerar Ku Qaaday Madaxweyne Muuse Biixi: “Waddanku Nagu Burburi Maayo, Muusena Kursiga Ku Fadhiyi Maayo, Shirweyne Xilka Lagaga Xayuubinayo Ayaanu Qabanaynaa”

0
198

Hargeysa, October 22, 2018- (Kaafimedia)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa walaac ka muujiyay Hogaaminta Muuse Biixi oo uu ku sheegay inaanu wax tanaasul ah diyaar u ahayn, waxa uu sidoo kale ugu hanjabay Xil ka xayuubin, waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay xaalada uu dalku galay,isagoo weerar ku qaaday shirkii jaraa’id ee uu Madaxweynuhu doraad qabtay, isagoo si gaar ah u abaaray inaanu wax nuxurleh ka hadal ee uu yool yooltani iyo abuuris muran ku qotomay,waxaanu nidar ku galay inay qabannayaan shir Weyne aayaha qaranka lagaga tashanayo.

Ugu horayn Faysal Oo Warbaahinta Shalay kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Markii aanu aragnay inaanu Madaxweynuhu aanu talo qaadanayn, oo Saddexda Xisbi markaanu ugu tagnay ee aanu la qadaynay, ee aanu la qayilnay, Wax Allaale wixii aanu u sheegnay midna aanu ka bixin, waxaanu aragnay oo aanu soo jeedinay oo runtiina ah haddii ay shaqayn waayaan Hay’addihii aanu samaynay oo asxaabtii shaqayn waydo oo doorasho dhici waydo in lagama maarmaan noqon doonto in shir Wadatashi qaran la sameeyo, oo markaa dalka la badbaadiyo ayaanu doonaynaa, maantana waan ognahay dalkeenii halka uu marayo, Gudaheeniina waad aragtaan, waxaa hoos u dhacay amnigii, Baabuurtii ayaa la dhacayaa, Dhalinyartii ayaa wax kufsanaysa oo Baabuurtii wadooyinka isku taagaysa, booliiskeenii oo aan lacag qaadan oo aan tababarna lahayn,magaaladii milyan iyo badh ayaa ku nool,hawlo badan ayaa inoo yaala”.

Waxa kale oo uu yidhi “Maanta haddii aad tagtaan Safaaradda Turkiga, dadkeenii markii aynu daawo u waynay, Caafimaad u waynay, kuwii helayay inay Dibadda u tagaana VISA ma haystaan, Baasaaboor ma haystaan, halkaasi ayay isdul saaran yihiin, dhibaatadaasi oo miidhan oo jirta waxaanu haddana jeclayn inaanu Gudaha midayno, Laakiin waxay u egtahay inaanu Muuse u diyaar ahayn, oo uu ka jecel yahay in la garamo,oo la yool yooltamo oo dhaqan uu ku soo noolaa 27-kaasi sannaba oo uu ahaa qof mucaarid inta badan ku soo jiray,  markaa Shalay Khudabadiisii waxaanu leenahay wax kale maahee, dadkii ayuu sii kala fogeeyay, waanan ka xumahay 45-Minute oo uu hadlay inaanu wax nuxur ah aanu ka hadal, tii anagu aanu u ogolaanay inuu Madaxweyne yahay ee uu noogu yeedhay ee uu nagu casuumay aniga iyo WADDANI inuu maanta isagii uu Su’aal galiyo (Question Mark), uu yidhaahdo Maxkamad hala tago aad ayaan uga xunahay, inuu sharcinimadiisii Madaxweyne uu shaki galiyo”.

Isagoo sharaxaad ka bixinaya Su’aal Wargeyska Foore ka waydiiyay Nooca uu yahay Shirka wadatashi ee uu isagu dabada ka riixayo islamarkaana uu ku taageeray Xisbiga WADDANI ayaa waxa uu yidhi“ Shir weyne Qaran waxa uu noqonayaa, Waxa laga xisaabtamayaa 27-kii sanno ee ay Somaliland jirtay, maxaa la qabtay, Maxaa inaga Xumaaday, Maxaa inoo wanaagsanaaday, Maxaa Caqabado ina horyaala, Maxaan fursado haysanaa,  waxaa la qiimaynaa Dawladda maanta taagan, waxaa la qiimaynayaa Madaxnimadda Muuse Biixi, waxaa la qiimaynaa Shirciga ay kujoogaan Baarlamaanku, intaa marka la qaybiyo, haddii la arko inay bilaa sharci kujoogaan xildhibaanadu oo aan korodhsiimo jirin talo ayaa ka soo baxaysa, Maxkamadda ayaa la tagayaa, Muuse haddaanu Xilkiisa kasoo baxayn waa laga tashanayaa, ama markaa Shir beeleed halagu doorto ama Xil kaxayuubin halagu sameeyee noo fadhi maayo, inuu waddanka fadhiyo nin aan wadi karaynin oo uu nagu burburo  yeeli mayno,haddii uu qaban waayo Baarlamaanka fadhi  maayo isagan hogaankiisa waanu ka tashanaynaa, waxaa caddaanaysa inaanu awood uu dalka ku xukumo lahayn”.

Sidoo kale waxa uu yidhi “Haddii ay taasi cadaadato, waad aragtaan Dawladdii kaw iyo tobankaasi bilood waxay qabatay majirto,meel walba waa la inagaga adkaaday, meel inoo fayo qabtaa majirto, Madaxweyne Muuse uma diyaar aha inuu Wax yar oo Mushkilad ah oo dalka yaala inuu xaliyo, Xilkiisa haddii uu kasoo bixi waayo, sharci ahaan waa lamarinayaa Talo ka xayuubin “Impeachment”, Shir qaran waanu qaban oo waanu ka tashanaynaa, ku eegi mayno haddaanu aragno inaanu lahayn karti hogaaminimo Somaliland halkay marayso ka saari karo, ma ogolaanayno inuu dalkayaga burburiyo Muuse, waanu ka hortagaynaa, waanu ka tashanaynaa, Xaqna waxaanu uleenahay inaanu Wadankayaga badbaadino”.

Ugu dambayn Waxa uu yidhi“Anigu isagaan difaacayey (madaxweynaha) oo markii uu noo sheegay sida uu deeqdii waxbarashada u qaybiyey nasiib daro inuu aniga iyo Daamir (masuul wadani ah) inuu iskaayo garab dhigay oo uu iga dhigay sidii nin dhaliilay aad baan uga xumahay, intaad guryaha dhisanaysay anigu hal guri baa dhul laygu bedelay oo aan dhistay, muran baad diyaar u tahay ee kula murmi maayo ee imika laga bilaabo ficil baan ku bedelaya, sidaan dagaalkii sokeeyaha aabahay u qabtay ayaan kuu qabanayaa oo xaq baan u leeyahay inaan dalka ka badbaadiyo”Ayuu ku soo koobay hadalkiisa Faysal Cali Waraabe.

Kaafimedia