Olole Nadaafadeed Oo Uu Hor Kacayo Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI Siyaasi Barkhad Jaamac Batuun Oo Xaafadda Daami Laga Fuliyey.

0
61

Hargeysa, October 22, 2018- (Kaafimedia)- Xaafadda Daami oo kamid ah xaafaddaha magaaladda ugu billic hooseeya marka laga eego dhanka waddooyinka, garoomada, saldhigyadda, dugsiyada dawlada, 20 cisho ka horna laga diyaariyey barnaamij muujinaya baylahada ilaha adeega aasaasiga ah ee bulshada ayaan wax jawaab ah ayna ka bixin Xukuumadda Muuse Bixi iyo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa Shalay waxaa xaafadaasi isku soo bax iska wax u qabso ah oo olole nadaafadeed ah hormuudna u ka ahaa Siyaasiga ugu saameynta weyn deeganka daami Garyaqaam Barkhad Jama Batuun laga fuliyey xaafaddaasi kaasi oo ay dadka xaafadu si balaadhan ugu soo baxeen.

Tallabadan ayaa noqotey mid xoog u dhex jibaaxday baraha bulshada, aadna loola dhacay waxaana sawirada laga arkayey Barkhad Batoon oo gacmihiisa ku guraya xashiishka xaafadda. dadka deeganka ayaa ka hadlay oo sheegay siday ugu faraxsan yihiin barnaamijkan barkhad bilaabay dhanka kale Barkhad oo dhex dagan xaafadda ayaa sheegay iney sharaf u tahay inuu ku dhex nool yahay Xaafadaasi sidoo kalena ka dhashay waxaanu si weyn ugu baaqay deeganka xaafadda diyaar garow weyn oo dhanka horunarka ah isagoo sheegay inaan waxba laga sugin xukumadda ee gacmaha dadku ku baahi baxaan.

Siyaasigan ayaa horay u ahaa lataliye madaxweyne xukumaddi silanyo muddo yar kadibna noqday qofku ugu horreeyey ee iska casila xilkaas isagoo ku sababeeyey wax qabad la’aanta xukumadda ee deegankiisa wuxu noqday ninki ugu horreeyey ee nideeya codka reerkisa isago si toos ah ugu wada shubau xisbiga waddani oo ila hadda u ka tirsan yahay kana mid yahay saraakisha ugu saameynta badan xisbiga.

foore,

Kaafimedia