Dufcadii Kowaad oo ka Qalinjabisay Dugsiga sare ee Farsamadda Gacanta Hargeysa.

0
135

Hargeysa(Kaafimedia)- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qayb galay munaasibad loo sameeyay dufcadii kowaad ee ka qallin jebisa Dugsiga Sare ee Farsamadda gacanta ee Caasimadda Hargaysa.

Munaasibada qallin jebinta dufcada kowaad ee ka baxday dugsiga sare ee farsamadda gacanta ee caasimadda hargaysa oo lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha dawladda waxaa ka qayb galay Madax iyo mas’uuliyiin ka kala socday golayaasha qaranka,Madax dhaqameed iyo Marti sharaf kale.

Maamulaha dugsiga sare ee farsamadda gacanta ee caasimadda hargaysa ayaa sheegay in dufcadan kowaad ay tiradoodu dhan tahay 25 arday oo dhamaystay xirfado kala duwan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Waxbarashadda iyo Sayniska Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa sheegay in wasaaradiisu ay kobcinayso dugsiyadda farsamadda gacanta lagu barto gaar ahaan dugsigan sare ee ku yaala caasimadda Hargaysa.

Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa ardaydii ka aflaxday dugsigan sare ee farsamadda gacanta ee caasimadda hargaysa waxa uu Madaxweyne ku xigeenku iftiimiyey Siyaasadda Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Ku wajahan Dugsiyadda Farsamadda gacanta lagu barto waxaanu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay si xoogan u dhiirigelinayso Waxbarashadda dugsiyadda farsamadda gacanta.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saylici wuxuu ugu baaqay ganacsatada inay kaalintooda ka qaataan dhiirigelinta iyo shaqo siinta ardayda ka baxda dugsiga farsamadda gacanta ee caasimadda Hargaysa.

Gunaanadkii waxa uu Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Shahaadooyinkii Gudoonsiiyey ardaydii ka qallinjebisay  dugsiga sare ee Farsamadda Gacanta ee Caasimadda Hargaysa.

Solna

Kaafimedia Hargeisa Office.