Masuuliyiin ka Shiray sidii Biyo Macaan Loogu soo Saari lahaa Sool.

0
42

Hargeysa(Kaafimedia)-Maamulka goboka Sool iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa maanta qorshaha dowladda ee la xidhiidha sidii gobolka Sool biyo macaan looga soo saari lahaa.

Sida uu kusoo warramayo wariyaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee magaalada Laascaanood, Barkhad Cumar Axmed, kulankaas oo lagu qabtay Laascaanood, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo dardar-gelin lahaa mashruuca ay Wasaaradda Horumarinta Biyuhu ku soo saarayso biyo macaan oo laga helay degaanno ka mid ah gobolka Sool.

C/rashiid Xuseen Carab (Gar-gaar), guddoomiyaha obolka Sool oo ugu horayn  kulankaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyey xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, gaar ahaan wasaaradda Horumarinta Biyaha dedaalka ay ugu jiraan sidii bulshada gobolka Sool ay u heli lahaayeen biyo macaan. Guddoomiye Gar-gaar waxa kaloo  uu tilmaamay in bulshada iyo maamulka gobolku ay wasaaradda Horumarinta Biyaha gacan uga siinayaan sidii guul looga gaadhi lahaa mashaariicda dhinaca biyaha ee wasaaraddu ka waddo gobolka.

Sidoo kale  C/kariim Maxamed Ducaale, Agaasimaha waaxda biyo fidinta ee wasaaradda biyaha Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa sharraxaad ka siiyey masuuliyiintii shirkaas ka qaybgalay sahamin ay wasaaraddu ku samaysay meelaha laga heli karo biyaha macaan. Waxa kale oo uu sheegay agaasimuhu in ay gobolka Sool ka dhisayaan Saddex ceel biyood iyo Dhaam weyn oo dhammaantood bulshada goboku ka helayso biyo macaan.

Agaasimuhu wuxuu  bulshada ku nool guud ahaan gobolka Sool ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen muddadii ay sahaminta wadeen, wuxuuna ku boorriyey in ay halkaa kasii wadaan wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin masuuliyiihnta gobolka iyo wasaaraddaba.

Geesta kale, Axmed Xaaji Xasan oo ah sarkaal ka socday sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan ka mid yahay mashaariicda horumarineed ee sanduuqa horuarinta Somaliland ka wado dalka, wuxuuna ugu baaqay bulshada gobolka in ay ka faa’iidaystaan.

Solna

Kaafimedia