Wargeyska The Guardian: Shan Buug Oo Ku Fahansiin Kara Qaab Fikirka Dowladda Sucuudiga.

0
43
Tifaftiraha wargeyska The Guardian u qaabilsan arrimaha caalamiga ah  iyo bariga dhexe ayaa maalintii shalay (Salaasa 24/10/2018) ku qoray wargeyskaasi maqaal uu cinwaan uga dhigay; “Shan Buug oo aad ku fahmi karto Boqortooyada Sucuudiga  (Five books to understand Saudi Arabia).
Tfftirahan oo lagu magacaabo  Ian Black ayaa ku tilmaamaya qormadiisan  in wajiga dhabta ah ee boqortooyada Sucuudigu ay adag tahay sida loo fahmi karaa, taasi oo dhashay waa siduu qoraalka u dhigaye in si fudud loo khaarajiyo aragtiyaha loo arko inay ka soo horjeedaan siyaasada ay adeegsadaan boqortooyadu.
Haddaba buugga kowaad wuxuu ka dhigay buug lagu magacaabo: Salman’s Legacy: The Dilemmas of a New Era in Saudi Arabia (Ma hadhooyinka Salmaan: Fool-Adkaanta Waqtiga Cusub ee Boqortooyada Sucuudiga), buuggan waxa qortay gabadh taariikh yahan ah  oo u dhalatay dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Madawi al-Rasheed.
Marwo Madawi waa gabadh mucaarid ku ah nidaamka siyaasadeed ee dalkeeda, waxa ay kaga waramaysaa sida ay ku abuurantay boqotooyada awooda badan ee dalka Sucuudigu iyo sida ugu guuleystay Maxamed Bin Salmaan inuu noqdo dhaxal-sugaha boqortooyada, sidoo kale waxa ay kaga waramayasaa mu’aamaraad-siyaasadeedka qallafsan ee ka socda guddaha qoyska maamula boqortooyada iyo jillaafooyinka aan dhammadka lahayn ee xubnaha reer boqor isla wada maagan yihiin.
Buugga labaad waxa lagu magacaabaa Inside the Kingdom (2009)  (Boortooyada Dhexdeeda) waxa qoray taariikh yahan lagu magaacbo Robert Lacey oo u dhashay dalka Ingiriiska waxa uu kaga waramayaa aragtida casriyeynta ah ee u amminsan yahay MBS ( Maxamed Bin Salmaan).
Buugga saddexaad ayaa waxa uu wariyuhu ku tilmaamay inuu yahay The Siege of Mecca           ( Go’doomintii Magaalada Makka), buuggan waxa qoray aqoonyahan u dhashay dalka Ukriane oo lagu magacaabo Yaroslav Trofimov, waxa uu kaga waramayaa sida ay isku bedeshay siyaasada dalka Sucuudigu markii uu dalka Iran ka dhashay Kacaanku iyo sidauu u aasaasmay ururka Alqaacida iyo xidhiidhka ka dhexeeyey arrimahaas.
Buugga afraad waxa ay qormadani ku sheegtay inuu yahay buug lagu magacaabo The Islamic Utopia (2012),  waxa buuggan qoray nin lagu magacaabo Andrew Hammond  Oo u dhashay dalka Ingiriiska, waxa uu kaga waramayaa sida dowladda Sucuudigu uga taxadirtay inay u soo gaadhaan kacdoonadii ka dhacay meelo ka mid ah wadamada Carabta iyo sida ay u doonaysay inay u mijo xaabiso isbedeladaas.
Buugga shannaad ayuu wargeysku ku sheegay inuu yahay buug lagu magacaabo Girls of Riyadh  ( Hablihii Magaalada Riyaad) waxa qortay gaadh u dhalatay dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Rajaa al-Sanea, waa buug u qoran habka sheekooyinka oo ay diirada ku saarayso sida qaybo  badan oo ka mid ah dumarka ku dhaqan dalkaasi ay doonayaan inay uga xoroobaan dhaqanada saayidka ah  ee aan diinta ku salaysneyn iyada oo si gaar ah uga waramaysa laba hablood oo Sucuudi ah oo doorbiday inay ku noolaadaan meel ka baxsan wadankooda iyo waxyaabaha ku kelifay.

Source: the Guardian

halkan ka akhri maqaalka oo Af-ingiriisi ah

https://www.theguardian.com/books/2018/oct/17/further-reading-saudi-arabia-ian-black

Cabdilaahi Beershiya