Cabdilaahi Geeljire Oo Saluugay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, Kartidii Iyo Firfiroonidii Uu Ka Filayayna Ay Meesha Ka Baxday Oo Uu Tahli Waayay Inuu Umadda Isku Ururiyo..

0
36

“Waxaan Saluugay Sida Uu U Dhamayn Laayahay Khilaafkii Ka Dhashay Doorashooyinka, Meeday Madaxweynaha Kartidiisa  Intaanu Madaxweynaha Noqon Ka Hor …,”.Cabdilaahi Geeljire

Hargeysa(Kaafimedia) – Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Cabdilaahi Geeljire) oo hore Xilal Wasiiro ah oo kala duwan uga soo qabtay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ayaa shaaca ka qaaday inaanay muuqan kartidii iyo firfircoonidii lagu yaqaanay Madaxweyne Muuse ka hor intaanu talada dalka ku guulaysan waxaanu ku canaantay inuu  tahli waayay inuu Umadda ka daweeyo kala qaybsanaantii ay ku Keentay doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay dhamaadkii sannadkii hore ee 2017-kii.

Cabdilaahi Geeljire ayaa sidan ka sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Cismaan Axmed Cismaan oo ka hawlgala Telefishanka Caalamiga ah ee SAAB, Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan saluugay sida uu u dhamayn laayahay khilaafkii ka dhashay Doorashooyinka, Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka iyo wax la socda oo dhami Khilaafbay si dabiici ahna u abuuraan oo waa tartan, tartan oo dhaminna waa kala duwanaan, laakiin markay dhamaato waxa loo baahan yahay in taasi la dhameeyo, Xilka ugu waynina Madaxweynaha ayuu saaran yahay, markaa fariintaydu waxa weeyi, Madaxweynaha kartidiisa waynu naqaanay intaanu madaxweynaha noqon ka hor, Siduu uga soo shaqeeyay nabadaynta wadanka marka laga yimaado jabhaddii, odayayntii uu yaqaanay, ololihii uu gali jiray ee uu Madaxweynayaal horena uu ku soo saaray,isaguna uu naftiisa markii uu hogaanka doonayay hawshii uu u soo galay”

Waxa kale oo uu yidhi“Tii ma aragno imika, kartidii iyo firfircoonidii ma aragno, anigu ma arko,markaa taan ku dhiirigalinayaa waxa weeyi taasi, inuu halkiisii hore ka wado odaynimadii, innuu dhameeyo hawlahan taagan oo aanu dib ugu noqon doorashooyin iyo, maalintii dhawayd ee uu shirka jaraa’id qabtay waan arkayay ee uu lahaa Doorashadii maxkamadaha hala tago, dee inuu Maxkamaddo inoo diro maaha Madaxweynuhu, waxaan qabanna waa inuu qaato illayn waa Madaxweynaheeniiye, waa inuu isku keen ururiyaa, waa inuu wanaagga ka shaqeeyaa, markaa taasi uunbaan ku dhiirigalinayaa, fariinta aan u dirayaana waa taasi, waxaan leeyahay Madaxweyne waan ku garab taaganahay, laakiin dhibtaasi ayaa jirta, markaa waxaan leeyahay intaasi oo karti ahba waad lahayd ma Abtiyaashaa ayaad odhan kari wayday,waar ila shaqeeya”.

Baarcadeeye

Kaafimedia