Dowladda Oo Si Rasmiya Ula Wareegtay Shaqaaalaha Ammaanka Madaarka Hargeysa.

0
41

Hargeysa (Kaafimedia)- Xukuumadda Somaliland ayaa lasoo wareegtay oo liiska shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda ku dartay halw-wadeenada amaanka iyo baarkinka ee madaarka hargeysa oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi uu digreeto madaxweyne kulasoo wareegay .

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa arrinta ka sheegay kulan ay iskugu yimaadeen madaxda hay’adda shaqaalaha dowladda, iyo masuuliyiinta madaarka hargeysa, kulankaasi oo ay sida oo kale goob joog ka ahaayeen shaqaalaha ka hawlgala qaybta amaanka iyo baarkinka ee madaarka hargeysa, waxaana halkaasi si rasmi ah dowladdu ugu la wareegtay maamulkii iyo gacan ku hayntii qaybta amaanka iyo baarkinka ee Madaarka Hargeysa.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle ayaa sharaxay qaabkii ay dowladdu u la wareegtay waaxdii amniga iyo baarkinka ee madaarka hargeysa oo hore shirkado gaar loo leeyahay gacanta ugu haynjireen waxana uu yidhi. “Waxa aad idinku hambalyeynayaa dhammaantiin maanta (shalay) wixii ka danbeeya shaqaale dowladeed ayaa tihiin oo dowladda Somaliland si rasmiya ula wareegtay tiradii aannu ugu nimid madaarka in aanu kordhino mooyee qof kama dhimayno , maanta wixii ka danbeeya waad ka xurmo , ka xirfad, xoolo iyo xasaanad badanaysaan markii hore ee aad shirkadaha gaarka loo leeyahay gacantooda ku jirteen “

Md: Sharmarke Geelle ayaa shaqaalaha ku ammaanay kaalinta muhiimka ee ay ugu jiran qaranka Somaliland waxana uu yidhi “diyaaraddaha kala duwan ee dalkeena ka duula ama kasoo deggaa, galkacayl iyo xigsiino gaar ah inooguma yimaadan ee dadaal aad idinku muujiseen ayey ku yimaadaan , haddii dhiniciina farsamo xumo ama ammni darro ka imaan lahayd Somaliland waxa ay noqon lahayd go’doon “

Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dowladda Md: Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa sheegay in Xukuumad ahaan uga mahadcelinayaa shirkadii hawsha hore gacanta ugu haysay , waxaana xusay in dowladda ahaan la gaadhay wakhtigii qaranku isku filnaan lahaa “Dowladdu talo danbe oo ay qaadatay ayaa waxa ay ahayd in ay dowladowno oo shirkadii gaarka ahayd ku nidhaahno waad Mahadsan tahay in badan ayaad qaranka usoo shaqaysay , hadda annaga isku filan xoog, xoolo iyo xirfadba gacanta ayaanu ku haysanaa “ ayuu yidhi.

Kaafimedia Hargeisa office.