Shanta aduunyada ugu jaban baa Somaliland ugu qaalisan.

0
37

Warbixin:Barkhad-ladiif M. Cumar

Somaliland markaad  barbar dhigto aduunweynaha kale waxaynu nahay dadka ugu liita ama  ugu dambeeya.  waxyaalaha nolosha aasaasiga ah ee dalalka kale jaban ayaa inaga igu qaali ah, taasna waxa keenay dadkeena oo aan ahayn kuwo dantoodda ka hadla ama u midaysan.

Shanta aduunyada ugu jaban ee nolosha aasaasiga ah ee inaga inoogu daran waxay kala yihiin caafimaadka, biyaha, waxbarashadda, Laydhka iyo dhulka.

Dadkeenu waxay u shaqaystaan ee nolosha ku adkeeyey shanta  shay ee nolosho ka maarmeen.

Haddii aynu mid mid usoo qaadano.

  1. Caafimaadka: waxaynu nahay dad aan lahayn  xarumo caafimaad oo tayo leh  iyo dawooyin aan u qalmin nolosha bani’aadanka, iyadoo sidaas tahay haddana waxaynu nahay dadka ugu qaalisan xaga caafimaadka oo tusaale ahaan haddii qof qoyskaaga ka mid ahi uu xanuunsado marka kaadhka lagu arkayo dhakhtarka laga bilaabo waa toban dollar, shaybaadhku waa sodan dollar, dawooyinka lagu qorana waxay noqonaysaa konton dollar, taas oo isku noqonaysa isku geyn  sagaashan dollar, bal qiyaas qofka shaqaale dawlad ah ama askari ah ee bishii mushaharkiisu yahay boqol doolar, hadaba boqolkaasi dollar ma qofkaasi xanuunsaday baad dhakhtar ku gayn, ma biilkii xaafadaad ka dhigi, ma kiradi guriga, laydhka iyo biyaha ayaad u siisan, adigay ku taalla sidaad u noolaanayso dhimo ama noolow.
  2. Biyaha: waxay ka mid yihiin nolosha aasaasiga ah ee aan laga maarmi Karin, hadana caagadda  mooyo saxadda ah ee biyaha waxa la siiyaa shan kun oo shilling, warshadahan biyaha iibiyaa ceelasha biyuhu waa bilaash, qalabka warshadda iyo waxa loo isticmaalaya waa cashuur dhaaf hadana waxay isku qiimo yahay daasadda sharaabka ah ee dibada laga keenay ee ay saaran tahay nooliga markabka, cashuurtii, gaadiidkii lagu soo qaaday, waxaaas oo lacag ah saaran tahay iyo caagada biyaha ahi ee wax walba bilaash u tahay waa Isku qiimo,  taas miyeyna ahayn faa’iido badan aan dadka u naxayn, waxa kale oo caagadaasi mooyo saxadii isku qiimo yihiin halka litir ee shiidaalka ee iyaguna dibada la inooga keeno ee waxaas oo kharash iyo cashuur ahi saaran tahay.
  3. Waxbarashadda: aduunweynaha kale dawladaha  kafaalo qaaday muwaadinka waxbarashadiisa dugsi hoose ilaa heer jaamcadeed waa bilaash oo dadkii wax bartay wixii ka horeeyey sagaashankii waxay wax ku barteen cashuurta dadka oo meel lacag ah may soo arag, balse inagu dugsi hoose ilaa jaamacad waa lacag oo askariga  shanta caruura dhallay ma awoodo inuu hal wiil oo uu dhalay ka bixiyo waayo mushaharka uu qaata waa boqol doolar, dugsiga ama jaamacada qiimaha lagu dhigtaana bishii waa boqol dollar, marka isku geyso  fee-ga dugsiga, Baska uu raacayo iyo buugaagta laga iibinayo  marka la isku geeyo  boqol dollar, marka ninka shan caruur lihi waa inuu hal qof uun waxbarashadiisa kafaalo qaado inta kale waxbarasho la’aani ku dhacdo.
  4. Laydhka:  waxaynu ku jirnaa dunida kuwo ugu laydhka qaalisan, wakhtigan la joogo caalamka laydhku wuxuu ku jira waxyaalaha ugu riqiiskan, halka 1 kILO-WATT  waa 0.79,  inay faa’iido badan ku qabaan waxa ku cadaynaysa tusaalahan  waxa la ii sheegay Wajaale waagii hore oo hal shirkad laydhka u sidi jirtay in laga qaadi jirey Halka KW hal dollar,  markii shirkad kale suuqii soo gashay kolba sidii qiimaha laydhka hoos ugu tartamayeen waxay hada maraysa 0.5 kw,meelaha qaarkoodna saacadba lama isticmaalo oo qiimo macquul ah uun baa loogu dhaftaa, hadii ay khasaare ku jiraan hoos umay dhaceen qiimaha laydhku laakiin faaa’idadii ay heli jireen uun bay hoos u dhigeen, hadii markii hore boqolkiiba saddex boqol faa’iidi jireen imika boqolkiiba boqol weeyi.
  5. Dhulka:  inta badan dhulka waxa masuul ka ah dawlada qofkii u baahda dhul inuu dego waxa la waydiista dawladda, haseyeeshee inagu waynu ka duwanahay oo maba goyn karno.

    Shantan qodob waxay ahayd in bilaash ama qiimo jaban lagu helo, nasiib wanaag shacabkan ayaan madaxdiisa la xisaabtamin oo wixii keen la yidhaahda su’aal la’aan bixinaya, balse dunida kale dadkeedu dhaqankaasi la is raranayo ma laha wayna ka dhiidhiyaan mana qaataan duliga iyo is adoonsiga. Somaliland uun baa lagu arkaa in la isku nixin oo nin waliba wuxu hayo siduu doono ka yeelo waana wadan kii awoodda lahaa sharciga gacanta ku hayso miskiinkana sharcigu qabanayo.