Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Somalilland Ayaa Ka Qaybgalay Shir Caalamiya Oo Ka Dhacay Magalaadda Dubai Iyo Fursada Ugu Jirtey Somaliland Shirkaasi.

0
117

Dubai(kAAFIMEDIA)Shirkan ayaa  socoday mudo laba maalmood ah  waxana ka soo qaybgalay khubaro ka socotey dalaalka caalamka intii uu shirku socoday ayaa lagaga hadlay sidii dunid iskaashi uga sameyn lahayd dhincyadda dhaqaalaha tarmarta  wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda  Somaliland Liiban Yusuf Osmaan ayaa oo kulamo gaar la yeeshay khubaradda shirka ka soo qaybgashay sidii u xog waran uga siin lahaa kheyraadka dihin ee dhinaca tarmarta iskaashiga  dhaqaalaha amaanka iyo ilaalinta deeganka .

wasiir ku xigeenku  arrimaha dibadd Somaliland ayaa la wadaagay xubnihii shirka  soo qabgalay  qoraalo ka warama kabayaasha  hormarka sida ,dhaqaalaha siyaasada arrimaha dibedda , siyaasadda maalgashiga ka faa’iidaysiga tamarta laga helo qoraxda  dabaysha iyo doorka ay ka qaadanayso  ilaalinta deegaanka Somaliland oo dunidu iskaashi ka dhexeeyo.

Shirweynaha Caalamiga ah ee Dhaqaalaha Dunida (WGES), mid ka mid ah shirarka caalamiga ah ee ku saabsan dhaqaalaha cagaaran, Dubai. Isu-keenidda khubaro heer sare ah, waxay diiradda saari doontaa horumarinta dhaqaalaha cagaaran ee caalamiga ah iyo ajandaha joogtaynta shirka mudada uu socoda

Shirkii Waddaga Dhaqaalaha Dunida Wuxuu  isu keenayaa  khabiiro heer caalami ah oo ka shaqeeya qaybaha muhiimka ah aduunka oo dhan si loo gaadho dhaqaalaha caalamiga ah ee cagaaran iyo qorshaha waaritaanka, Himilooyinka Horumarinta ee Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Horumarinta Dhaqaalaha ee Caalamiga ah ee World Green Economy, oo   lagu qabtay magaaladda dubai ee isku taga-emaraadka carabta  waxa ka soo qaybgalay  Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Raiisal Wasaare Ku-xigeenkii UAE, iyadoo la kaashanaysa Golaha Sare ee Golaha Shacabka.

Shirku wuxuu soo bandhigayaa xalal cusub iyo hannaan hormuud ah si loogu dhiirrigeliyo isbedelka, abuurayaan jawi sahlan iyo habka deegaanka si loo helo kobcitaan cagaaran oo wax ka qabta baahiyaha hadda iyo mustaqbalka Shirkan ayaa lagaga hadlay  saddex qodob oo kala duwan:

  • Hogaanka iyo ka qaybgelida bulshadda.
  • Green Capital
  • Teknoolojiyada Casriga ah .

Dhinaca kale  wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somaliland ,liibaan yusuf cusmaan ayaa kormeer ku tagey safaradda Somaliland  ee dubia iyo kulankii uu la yeeshay wakiilka Somaliland yasniin hirad oo uga xog waramay shaqadda safaradda iyo kaalinta ay ku leedahay horamarka dalka.

Qoraalkan Oo Ka Soo Baxay Wasaaradda Arrimah Dibedda Somaliland.