Qisadii I Eridey Qaawanaanta! Qalinka: Cabdifataax Ismaaciil Mursal.

0
42

Maan noolayn, manaan dhiman, Aakhiro maan gaadhin ee Ifka ayaan joogay, hase ahaatee, lamaan socon dhacdooyinkii daqiiqadahaas dunida ka dhacayay ama ka socday. Balse waxaan ku war helay Dayaanka wixii dhacay!

Daahyada, Muraayadaha daaqadaha iyo qaybo ciid iyo sabbad isugu jira oo ka mid ah dhismaha Qol koone ku yaallay oo aan Guri Huteel ahaa oo labaatan Makhsin ka kooban ka degganaa oo dushayda ku soo daatay. Dhagahaygu waxay maqlayeen gig iyo gariir xoog badan, waxaan Indhaha ku kala qaaday boodh iyo siigo isku xidhay gudaha qolka.

Waxaanan isla markaaba isku qanciyay in Guriga aan degganaa oo sabbad ahaa igu dumay, laakiin ma dumin ee Aniga ayaa is-moodsiiyey!. Waxaan orod kaga baxay Albaabkii qolka xalay aan qufulay oo ballaqan!. “Nafi orod bay kugu aamintaa.” Xaaladdaydu markan waxay u muuqatay mid la mid ah tii loogu maahmaahay nooc ka mid ah Waraabaha oo hurdo badan. “Dhidar Onkod kiciyey”.

Waxaan is arkay Aniga oo taagan meel bannaan oo ah dibeadda Gurigii aan ku jiray (Daaradda) oo ay labada Cagood Macawisi igaga maran tahay. Waxaan isha ku dhuftay Hooyo Wiil yar oo ay xambaarsanayd la kuftay oo ka qaylinaysa Jaranjarrada Iriddii aan orodka ku dhaafay, waxaan sidoo kale arkay Go’ iyo Buste aan huwanaa oo yaalla meel u dhaxaysa halka aan taaganahay iyo goobta Hooyada Wiilka la dhacday jiifto. Muddada dhacdooyinkaasi dhacayaan waa wakhti ka yar laba daqiiqo godohood!.

Maaliniba maalin ka xusuus mudan, sannadba sannad ka tilmaaman, Dhacdooyinkuna kala saamayn badan, Qalinkuna ma moogaado faaqidaadda Ayaamaha ay tahay ama mudan in la xuso. Sidaa daraadeed, xusuusta maalintani waa mid saamayn ballaadhan iyo xusuus lama illaawaan ah oo taariikhda gashay ku leh guud ahaanba dadka reer Somaliland, gaar ahaan dadka Hargeysa ku dhaqnaa ama joogay xilligaas. Waxaan dareemayaa inay in badan oo Akhristayaasha ka mid ahi iswaydiinayaan maalintaasi waatee?

Hayeeshee, aan idiinkaba jawaabee, waxay ahayd maanta oo kale 29-kii October sannadkii 2008, maalin Arbaca ah, waa maalintii saddex meelood oo ka mid ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa lala beegsaday weerarro ismiidaamin ah oo lagu qarxiyay Xarunta Madaxtooyada, Xafiiskii xidhiidhka Ganacsi ee Itoobiya ama sida ay dadka qaar ku fahmi karaan Safaaraddii Itoobiya ku lahayd Somaliland ee Hargeysa iyo Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Mashaariicda ee UNDP, kuwaas oo dhammaantood ku yaallay Xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa. Isla markaana weerarradaas kuwa Argagixisada ahaa ee goobaha kala duwan lala eegtay waxay sababeen dhimashada 24 Ruux iyo dhaawaca in 30 Qof ka badan oo aan waxba galabsan.

Haddaba, maalintaas 29-kii October 2008, oo xusuus murugo ku xeeran tahay ku leh Qaranka Somaliland, isla markaana sannad-guuradii Tobnaad 10-aad ee ka soo wareegtay ku buuxdo ama ku beegantay 29/10/2018 oo Isniintan, awgeed, ayaa igu kalliftay ama aan dib ugu eegay Qormadan oo aan xuskii koowaad, labaad iyo saddexaad ee maalintaas qoray, bal haddana in intii aan ka awoodo xusuusta maalintaa Qalinka ku yar iftiimiyo.

Inkasta oo murugada iyo xusuusta madoow ee maalintaasi lahayd aan la wadaagayey  sidii ay u dareemeen badi Bulshada reer Somaliland, haddana waxa Aniga ii dheer xusuus aan u arko inay taa aan Qaranka la qabo ka duwan tahay, oo si gaar ah ii taabanaysa dareen ahaan, markasta oo ay Maskaxdayda ku soo dhacdana aan si toos ah uga daawado Muraayadda Qalbiga oo aanay si dhib yar uga masaxmi karin.

Qaraxyadaas saddexanka ahaa oo Argagixisadu ku fulisay Baabuur walxo qarxa laga buuxiyay, oo saddex daqiiqo guduhood lagu qarxiyay, hase ahaatee, kala horreeyey waxay ahaayeen isku ujeeddo. Inkasta oo aan ka mid ahaa Fiilka Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland, gaar ahaanna aan ka hawlgali jiray Wargeyska Ogaal oo ka mid ahaa  Wargeysyada Hargeysa ka soo bixi jiray, haddana maalmahaas waan xanuunsanayey oo waxaan shaqada kaga maqnaa fasax maalintii sagaalaad galay.

Waxa hortayda ordaysay iyadoo qaylinaysa Gabadh xaas ah oo wiil ay dhashay xambaarsan, taasoo qayb guriga ka mid ah degganayd, ma garanayo goor aan dhaafay. Balse waxaan gadaal u jaleecay iyada oo la kuftay canuggii ay xambaarsanayd oo weli qaylinaysa. “Alla hoogay, Alla hoogay, Alla hoogay oo jabay!….” ayaa ka mid ahaa weedhaha ay Hooyadaasi ku dhawaaqaysay.

Marka aan Sariirta ka booday waxaan la cararay Macawis aan ku seexday, Go’ iyo Buste aan huwanaa, kuwaasoo dhammaantood iga dhacay intii aan cararayey ama naf-la-orodka aan ku jiray.

La soco qayb kale oo Muwduucan ka mid ah…….

Qalinka Cabdifataax Ismaaciil Mursal.

Kaafimedia Hargeisa Office.