Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ka Hadlay Qodobadii Xasaasiga Ahaa Ee Doodaha Culus Ka Dhasheen Buuggiisa, Muxuuse Ka Yidhi Awooddii Aamina Weris Iyo Hoos U Dhaca Xusuusta Madaxweyne Siilaanyo

0
33

Hargeysa, October 30, 2018- (Kaafimedia)- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa badheedhihiisa ka dhiiibtay, dhinacna isaga leexiyey su’aalo badan oo Bulshadu iska waydiinaysay maalmihii ugu dambeeyey arrimo xasaasi ah oo ku xusnaa Buuggii uu soo saaray ee MIYI ILLAA MADAXTOOYADA oo habeenimadii Sabtidu soo galaysay lagu daah-furay caasimadda Hargeysa kaasi oo noqday Arrinka loogu hadal haynta badan yahay guud ahaanba shacabka Somaliland gudo iyo dibadba, meelo badan oo Buuggaasi taabtayna ay dad badani fal-celin taban (Negative) ka keeneen kuwaasi oo uu Caddeeyey qaabka uu u qoray.

Waraysi gaar ah oo uu Xirsi Cali Xaaji Xasan siiyey Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan Telefishanka HCTV, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu kaga Jawaabay su’aalo adag oo laga waydiiyey Jihooyin Buuggiisu taabanayay oo doodo culus ka dhex abuuray Bulshada, kuwaasi oo ay ka mid ahayd Hoos u dhaca xusuuseed ee bilawgii Muddo xileedkiisa la kowsaday Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo sidoo kale cidda saamaynta ku lahayd xulista Golihiisii xukuumadda muddadii uu xilka qaranka hayay iyo waliba doorkii Marwada Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina-weris ku lahayd talada dalka halka sidoo kale wax laga waydiiyey haddiiba ay dhacdo in arrintani keento in sharciga looga yeedho waxa uu ka yeeli karo ee uga meel yaalla.

Ugu Horrayn isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay maadaama ay hoos u dhacday xusuustoosu qaabka Madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo xulan jiray Madaxda qaranka iyo gaar ahaan golihiisa xukuumadda iyo cidda saamaynta ugu badan ku lahayd ee la xuli jirtay ayaa waxa uu Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan kaga jawaabay sidan: “Isaga ayaa soo xulan Jiray Madaxweynuhu. Maan odhan meelna kumaan sheegin in uu Madaxweynuhu Xanuunsaday balse waxa jirtay in Xusuustiisu hoos u dhacday taasina waa mid uu dadka kala siman yahay oo aniga laftayda ayaabay xusuustaydu marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacdaa. Wax la iskula yaabana ma aha. Mana aha mid shaqadaada iyo go’aamada aad gaadhayso waxyeelaysa. Waxa ay u badan yihiin dadka wax iska waydiinayaa dad loo koobiyeeyey oo aan buugga wada akhriyin. Buuggaygani buug noofal iyo jacayl ah midna maaha. Dhacdooyin taariikh ah ayuu ka hadlayaa. Taariikhdana been lagama sheego sida ay ahayd baa loo xusaa. Waa suurto gal in aad hullaab iyo si kale u dhigto anna waxaan is leeyahay sidii ugu wanaagsanayd ayaad u dhigay. Xusuusta hoos u dhacday waa caadi. Anigayga oo 50 jir ah ayayba hoos u dhacday. Qofkii u jeedda in ay maagaan Siilaanyo iyaga ayay u taallaa anna maan ceebayn. Werwer ayuu ka muujiyey in uu xusuustiisu hoos u dhacday. Dalkiisa ayuu u tudhay. Laba shay ayaanan xusay in ay ugu wacnayd waa waayeelnimada iyo marka shaqada culayskeedu kugu badan yahay”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Hogaamiye Xirsi Yidhi: “Isaga iyo qoyskiisu waxa ay ku qanceen in aanu is casilin sidaasi ayaan buugga ku qoray waanu ka noqday in uu is casilo illayn ismuu casilinini ee waxa ay ahayd dood isaga iyo marwadiisii dhex martay inta iga soo gaadhay. Dooddii noocaasi ahaydna waxa ay ahayd mid markii ay na soo gaadhay uu ka noqday”.

Mar Hogaamiye Xirsi wax laga waydiiyey waxa keenay in aad maanta xusuus qorkiisa uu ku qoro in Madaxweyne Siilaanyo ay xusuustiisu hoos u dhacday ee uu hore uga hadli waayay waxa uu ku jawaabay: “Waxaan sheegay sharaftiisa iyo wanaagiisa ayaan ku ammaanay. Waxaan ku sheegay in uu ahaa mid umaddiisa u talinayay. Sharaf bay u ahayd in uu diiday in uu dalka sii wado isaga oo aanay xusuustiisu fiicnayn. Taasi geesinimadiisa ayay ahayd anna taasaan sheegay oo taariikhda been lagama sheego. Taasi ma xumaanbaa, anuu waxaan sheegay in damiirkiisu xalnaa. Waxa aan u hibeeyey buugga oo anuu maan ceebayn ee waan sharfay. Waxaanan idhi wax auu ahaa qofkii aniga siyaasadda igu soo gacan qabtay. Qofka intaasi u muuqato isaga ayay u taallaa. Waxa aan ku sheegay in ka badan 80 meelood wanaagga Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaamintiisa wanaagsanayd iyo naxariistiisa badnayd”.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay mar uu ka hadlayay xaaladda Marwadii hore ee dalka Amina weris iyo awooddeedii dhinaca talada waxa uu yidhi: “Marwada waan ku ammaanay buuggayga waxa aan ku tilmaamay Gabadh wax baratay oo ninkeeda ilaalisay oo ixtiraamtay. Waxa aan ku tilmaamay oo kale in ay talada dalka ku soo dhawaatay labadii sano ee ugu dambeeyey. Dabcan gabadh waliba ninkeeda way la talisaa laakiin maan tilmaamin in ay kursiga la wareegtay”.

Mar wax laga waydiiyey Hogaamiye Xirsi Haddii la beeniyo waxan uu qoray waxa uu isku difaacayo ayaa waxa uu kaga jawaabay: “Difaac iyo weerar ma nihin. Anigu xusuustiisa ayuunbaan wax ka sheegay oo maan odhan wuu xanuusanayaa. Markasta oo ay shaqadu ku badatana waxaan sheegay in ay hoos u dhacday xusuustiisu. Tilmaanta noocaasi ahina waa sax cid diidi kartaana ma jirto”.

Kaafimedia Hargeisa Office.