Mukhalas ka Warramay Nolol Wanaagsan oo uu Haysto Hargeysa.

0
37

Nuur Cilmi oo 38 jir ah ayaa sheegay inuu bishiiba shaqeysto lacag dhan 4 kun oo doolar, oo uu ka helo wax uu ugu yeedhay “ganacsi macaashle” , kaasi oo si sharci darro ah dhallinayarada uga tahriibiya Geeska Afrika oo geeya dalka Liibiya, halkaasi oo lagaga qaado lacag madax furasho ah oo ay ku mutaan xaalado qalafsan dhallinyaradu.

Nuur Cilmi ayey Idaacadda Radio Ergo oo qarammada midoobay leedahay werisay inuu isku xidhe ka yahay tahriibeyaasha ku sugan dhowr waddan oo Afrikaan ah oo kaxeeya da’yarta doonaysa inay galaan dalalka Yurub.
Radio Ergo ayaa sheegtay markii ay bilo daba socotay uu weriye ka tirsani habeen dhawayd kula kulmay ninkan mukhalaska ah suuqa magaalada Hargeysa.
Ninkaas ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2012kii uu afar kun oo qof ka tahriibiyey Somaliland, waxaanu xusay in dadkaas intoodii badnayd ay ku dhinteen gacanka maleeshiyaadka reer Liibiya ee qabsaday iyo badda.
“Waanu ognahay in shaqadan aanu qabanaynaa ay dambi tahay, balse waxaanu ka helnaa bishiiba lacag dhan afar kun oo doolar, sidaas darteed waa shaqo aad u fudud,”ayuu ku tiraabay mukhalaskaas arxanka darrani.
Waxa kaloo uu intaas ku daray inay si sir ah uga dhex shaqeeyaan Somaliland iyagoo ka cabsi qaba in ciidammada boolisku gacanta ku dhigaan.waxaanu caddeeyey inay la shaqeeyaan 10 dhallinyaro ah oo ay sii qorteen, kuwaasi oo qaata lacag ilaa 300 oo doolar ah.
Radio Ergo waxa kaloo ay telefoonka ku waraysatay mukhalas labaad oo ka hawlgala Hargeysa, kaasi oo magaciisa ay ku sheegeen Xasan oo xaqiijiyey inuu shaqadaas sharci darrada ah laga siiyo lacag qadarkeedu u dhexeeyo 500 illaa 800 oo doolar halkii qof ee uu keenaba.

Kaafimedia Hargeisa Office,