Somaliland oo Markii ugu Horraysay Laga Furay Xafiiska Isgaadhsiinta Qaranka.

0
62

Hargeysa (Kaafimedia)- Somaliland ayaa markii ugu horraysay laga daah-furay goob loogu magac daray xarunta isgaadhsiinta qaranka oo isku xidhaysa warbaahinta dowladda iyo warbaahinta madax bannaan, taasi oo laga heli doona uruurinta macluumadka dowladda.

Munaasibadii furitaanka xaruntan ayaa waxa ka soo qayg galay Wasiirka wasaaraddaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) iyo masuuliyinka kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta, Cismaan Xuseen Warsame, ayaa faahfaahin ka bixyay waxyaabaha ay qaban doonto xarunta isgaadhsiinta qaranku, waxaana uu yidhi “waxa aannu ugu talo galnay inay noqoto xudunta dowladda ee dhinaca isgaadhsiinta iyo xidhiidhka joogtada ah ee wasaaradaha iyo in aanu isku soo dhawayno warbaahinta iyo dowladda.”

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Sacad Cali Shire, oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in xaruntani ay qayb ka noqonayso sidii suuq loogu heli lahaa qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland, waxaanu yidhi “Dowladdu uma baahna in ay la hadasho dadkeeda oo keliya ,waxa loo baahan yahay in lala hadlo caalamka, inta aad leeg tahay waxa ay ku xidhan tahay inta lagu maqlo ama muuqaalkaaga la arko, xaruntani waxa ay qayb ka noqonaysaa sidii caalamku ugu war hayn lahaa qadiyadeena, xaqa aynu leenahay, waxa aynu qabsanayn iyo in aynaan Soomaaliya ka mid ahayn ee aynu nahay waddan xor ah oo la yidhaahdo Somaliland.”

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay in Xukuumaddani ay tahay dowladdii waxtarka, waxana uu yidhi “Halkani waxa ay noqon doontaa, halka keliya ee wasaarad kasta iyo ha’yad walba ay xidhiiidhka la soo yeelan doonto ee arrinteeda iyadu dadka gaadhsiin doonta. Xukuumaddani maaha dowladdii hadalka, laakiin waa dowladdii qoraalka, waxtarka iyo waxqabadka. Waxa aanu dadka siinaynaa war sugan oo aanay waxba ka soo noqon, haddii dowladda mucaaradku wax ka sheego maaha mid ku degdegaysa hebel waran ka horgee, waa dowlad haddii dhaliil ama gaf la sheego toosinaysa.”

Kaafimedia Hargeisa Office.