Qoyska Axmed Siilaanyo Oo Hogaamiyaha Waddani Mr. Xirsi Ugu Hanjabay In Ay Sharciga La Tiigsan Doonaan Iyo Waxay Ku Qoonsadeen.

0
54

Hargeisa (Kaafimedia) Wakiilka Somaliland ee waddanka Kenya Mudane Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ah wiilkii awoodda badnaa ee uu soddoga u ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si weyn uga gubtay qaybo ka mid ah Buuggii MIYI ILLAA MADAXTOOYADA ee uu dhawaan soo saaray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo sheegay in ay ka qoys ahaan tallaabo sharciga ah ka qaadan doonaan ex. Wasiir Xirsi.

Baashe Cawil Xaaji Cumar oo qaba inan uu dhalay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo waraysi siinayay Telefishanka BULSHO TV ayaa waxa uu hanjabaad u diray Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu ugu hanjabay in ay sharciga la tiigsan doonaan ka qoys ahaan isaga oo sheegay in aanay jirin hoos u dhaca xusuusta Madaxweyne Siilaanyo iyo sidoo kale in aanay wax awood ah Marwo Aamina Weris xukuumaddii hore ku lahayn.

Baashe Cawil Xaaji Cumar, wakiilkii hore ee Imaaraadka fadhiyay haatana loo wareejiyey dalka Kenya isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Waxaan leeyahay ma jirto taasi. Warkaasi waa war been ah baan leeyahay. Waxaan leeyahay waa sheegaa ma dhaafto. Warkaa caddayntiisii baa looga fadhiyaa in uu isagu keeno taasaana laga sugayaa oo laga talo qaadanayaa Insha Allaahu tacaalaa. Sharciga iyo wixii kale ee u bannaanba waa lala tiigsanayaa waayo Arrinkani arrin sahlan ma aha. Madaxweyne dhan buu Xirsi inta uu hadlay ka been sheegay oo markhaatiyaal been ahna wuu ku qoray buugga. Buugga anigu wali ma akhriyin laakiin Masuuliyiin badan oo lagu soo hadal qaaday oo lagu sheegay in ay markhaatiyo yihiin oo Maxamuud Xaashi iyo ka mid yihiin kuwaasi ayaa hadlay oo beeniyeyna. Waxa uu ka been sheegay oo farriin been ah ka sheegay marwadii intaba waxa looga fadhiyaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyada in uu caddaynteedii keeno cid talinaysay ma jirto oo kale Madaxweynuhuna isaga ayaa talinayay. Caddaynteedii ayaa laga doonayaa haddii uu caddaynteeda keeni waayana tallaabada ugu habboon baa laga qaadi doonaa” ayuu yidhi Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Kaafimedia Hargeisa Office.