Wasaaradda Beeraha Oo Bilowday ‘Madax Ka Jarista’ Hadhuudhkii Laga Beeray Banka Wajaale, Wasiir Seed Iyo Agaasime Maax Oo Kormeeray.

0
37

Wajaale (Kaafimedia) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bilowday Madax ka jarista Hadhuudhkii Wasaaraddu ka beertay Banka Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley.

Wasaaradda Beeraha oo adeegsanaysa Shaqaale si Maalin leh uga shaqaynaya, ayaa Madax ka jarista Hadhuudhka bilowday, ka dib markii uu Bislaaday isla-markaana uu gaadhay Wakhtigii la jarayey, si looga faa’idaysto.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Axmed Cali Maax, ayaa gelinkii dambe ee Maanta booqday Banka Wajaale, waxayna kormeereen siday u socoto hawsha Madax ka jarista Hadhuudhku.

Wasiir Seed iyo Agaasime Maax, ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay War-bixin la xidhiidhka Dalagyada laga beeray Banka Wajaale iyo Hadhuudhka Madax ka jaristiisu socoto waxay ka dhegaysteen Maareeyaha Wasaaradda Beeraha u qaabilsan Mashruucaasi Mowliid Xasan Cabdi.

Maareeye Mowliid, ayaa Madaxda Wasaaradda Horumarinta Beeraha u sheegay in Hadhuudhka iyo Dalagyada kale ee Banka Wajaale laga beeray ay sidii loogu talo-galay u baxeen, sidaasi awgeedna hore u jareen Qamadinkii halkaa laga beeray, Hadhuudhkuna yahay Dalaggii labaad ee Madaxa laga jarayo.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ayaa Banka Wajaale ka qodday Dalagyada kala ah Hadhuudh, Qamadin, Arabikhi iyo Dalagyo kale oo muhiim ah, kuwaasi oo dhammaantood sidii qorshuhu ahaa u baxay.

Sidaasi si la mid ah, ayaa Wasaaradda Beeruhu waxay Dalagyo kuwaasi la mid ah ka qodday deegaannada Xaaxi ee Gobolka Daad-madheedh iyo Beer ee Gobolka Togdheer, kuwaasi oo la rejaynayo inay si wanaagsan u bixi doonaan.

Kaafimedia Hargeisa Office.