“Xaqiiqdii Uma Soo Jeedo Siyaasadii Hore, Madaxweyne-ku-xigeenkuna hadduu rabo inuu siyaasad igala hadlo meel kale ayuu iigu yeedhi lahaa”

0
61

Hargaysa(Kaafimedia)Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta waawayn ee dalka somaliland horena xukuumadihii  talada dalka soo hayay uga soo noqday wasiiro ayaa ka hadlay kulan dhex maray isaga iyo  madaxwayne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci.  Dr Gaboose ayaa sheegay inaanu madaxwayne ku xigeenku kala hadlin wax siyaasadda ah balse ay ka wadda hadleen arimo ku saabsan xaga caafimaadka. “haddii uu rabo inuu siyaasad igala hadlo meel kale ayuu iigu yeedhi lahaa laakiin waxa uu iigu yimid inuu igala hadlo dad qaraabadiisa ah sidii Aan caafimaadkooda ugala taliyo intaas wax dhaafsiinan igalamuu hadlin Madaxwayne ku xigeenku. Dr Gaboose intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata.”waaniga kuu sheegay oo hadaba waan ku jiraaye waxaanan kaga jiraa qaybta arrimaha bulshadda oo ah inaan naf-sadayda u diray inaan umadayda wax u taro,waxaanan aamin sanahay in qofkasta oo dalkiisa iyo dadkiisa waxtaro in ay tahay siyaasad dalka lagu dhisayo, laakiin siyaasadii hore ee ahayd wasiiro iyo waxaas hadda uma soo jeedo xaqiiqdii waxaana ilaahay ka baryayaa inuu cisbitaalkan iga gacan qabto.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Eryal tv Dr Gaboose

Dhinaca kale Dr Gaboose ayaa sheegay inaanu wakhtigan u taagnayn inuu siyaasadda dalka ku soo biiro oo noqdo wasiiro basle uu yahay siyaasi ka shaqaynaya xaga arimaha bulshadda iyo sidii uu u taageeri lahaa bulshadda jilicsan isaga oo adeegsanaya xirfadiisa caafimaad.

Kaafimedia Hargeisa Office.