Fulkaanaha Ka Qarxay Beelaha Sabaroon Iyo Ciise Ee Gobolka Awdal Iyo Muuse Bixii Oo Ku Hogaamiyey Jidkii Burburka Somaliland &Maxaa Kala Qabsaday Abgaal, C/laahi Habane Iyo Saylici?

0
81

Hargeysa,(Kaafimedia)-Wasiiraddii hore ee Wasaaraddaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Waxbarashada Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal Iyo Cabdillaahi Ibraahim Habbane ee xukuumaddii Madaxweynihii xilka Ka Degay Axmed Siilaanyo, ayaa maanta kulan hoose oo gaar ah albaabkuna u xidhnaa kula yeeshay xafiiskiisa aqalka Madaxtooyada magaalada Hargeysa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici , isla markaana kulankaa ayaa  ku saabsanaa arrimo iyo talaabooyin khatar iyo halis ku ah  jiritaanka dawlada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo qaabka  hogaamintiisa  maamulka Somaliland.

Wariye  ka hawl-gala Warbaahinta Baraarugnews.net ee magaalada Hargeysa oo markii ay ka soo baxeen  xafiiska Madaxtooyada Hargeysa ee Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Wasiirkii  hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Xilka ka degay Axmed Siilaanyo Maxamed Jaamac, ayaa wax ka waydiiyey arrimaha ay u tageen  aqalka Madaxtooyada  magaalada Hargeysa  oo afaafka hore ku kulmeen  Wariyaha ka socday wakaalada Baraarugnews.net iyo wasiirkii hore ee  Wasaarada gwaxbarashada xukuumaddii Axmed Siilaanyo Cabdillaahi Ibraahim Habbane oo ka soo baxay gudaha madaxtooyada Somaliland iyo arrimaha ay  kala soo hadlayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Umaanu tegin Muuse Biixi, manaanu galin xafiiskiisa, mana arrag ee waxaanu aheyn anig iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuumaddii Axmed Siilaanyo Cabdillaahi Ibraahim Habbane oo immika wakaa gaadhigiisii fuulaaya, markaa waxaanu u soconay oo aanu xafiiskiisa ugu tagnay Madaxweyne ku-xigeenkii Cabdiraxmaan Saylici. Waxaanu ku nidhi, waar anagu ma arragno dawladdii uu soo dhisay Muuse Biixi Cabdi, mid loo siman yahay oo saamigii beesha Sabaroonka ee Gobolka Awdal ma hayso mana jirto dawlad loo wada siman yahay maanta. Waxaanu ku nidhim Hadhow ayaad calaacalaysaa oo aad oranaysaa aniga ayaa laygu xumaynayaa, layna jeedaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Laylacow intaanad Beesha gudabiirsay ee Gobolka Awdal iyo  beesha Ciise maxaad uga haysaa Muuse Biixi wakii lahaa xilligii ololaha saamiga aynu ka cabano waxbaan ka qabanayaa? Waa kii lahaa xilligii ololaha ee maraayey Gobolka Awdal aniga ayaa saxaaya saamigii beesha Awdal ee balan qaaday, markaa maantana ma arragno ayaanu waydiinay Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo aanu kala hadlaynay, aniga iyo Cabdillaahi Ibraahin Habane, Odayaal,  iyo rag kale oo nala socday.,”sidaa ayuu yidhi Maxamed Jaamac Abgaal oo ka cudur daartay innuu tasaafiil badan ka bixiyo shirka laga abaabulayo Gobolka Awdal.

Wariyaha Wakaalada Baraarugnews.net oo Abgaal waydiiyey su’aal aheyd markaad sidaa ku tidhaahdeen Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici muxuu idinku jawaabay ama idinku yidhi, ayaa Abgaal oo ka jawaabaaya su’aashaa wuxuu yidhi sidan:-“Dee wuu gama-gama’eeyay wax alaale iyo wax uu nagula hadlay oo aanu ka qorno garan mayno, mana jirto. Gama-gama mooyee indhaha ayuu hoos u rogay oo wax alaale iyo wax gacanta ugu jira ama tamara oo awood ah kuma hayo meesha ee wuu iska fadhiyaa oo un. Markaa waxaanu ku nidhi hadhow waxa ku dhaca Muuse Biixi hortayada ma iman kartid.”Sidaa ayuu yidhi Abgaal oo xog-waran yar oo kooban ka siiyey Wakaalada Baraarugnews,net kulankii ay maanta la yeesheen Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.

Abgaal ayaa sheegay inay dhawaan shir balaadhan oo aad u weyn ku qabanayaan Gobolka Awdal Beelaha Sabaroonka Iyo Ciise, isla markaana wuxuu sheegay inay Gobolka Awdal kaga dhawaaqi doonaan wax ka daran Jabhada Beesha Habaryoonis ee Taliye Caare waxay noqonaysaa saleelo, laakiin ta ay ka soo wadaan in la yaabi doono Gobolka Awdal beelaha degan waxay ku kaga dhawaaqayaan galbeedka Somaliland.

Sidoo kale, Abgaal ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku dhawaaqi doonaan ay ka mid tahay innaanay wax doorasho ah oo ku saabsan doorashada la doonayo in lagu soo doorto xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland iyo Golayeyaasha Dawladaha hoose aan laga qaban Karin Gobolka Awdal, ilaa magaalada Dila ee dhulka ay degaan beesha Gudabiirsay ee galbeedka Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay inay dhamaan go’aan u dhan yihiin beesha Gudabiirsay kaga dhawaaqayaan Awdal, kuna saabsan inaaney ka sii mid ahaan doonin Somaliland, wax doorasho ah oo ka dhacaysa  oo dambe aaney jireen deegaanka Awdal, isagoo hoosta ka xariiqay inta maamulka dawladiisa uu soo dhisay Muuse Biixi qaabkan tahay aaney ka tirsanaaneyn inay ku sii jirto Beesha Gudabiirsay dawlad la yidhaahdo Somaliland oo Muuse Biixi Madaxweyne ka yahay, wax doorasho ah oo ka dhicikarta aaney jirayn mar dambe Gobolkooda Awdal iyo dhamaan deegaanada kale ee beesha Sabaroon degan tahay ee galbeedka. Somaliland.

Baraarugnews.

Kaafimedia Hargeisa Office.