Baanka Dhexe Ee Somaaliland Oo Ku Dhawaaqay War-Cusub “

0
67

Hargesia (Kaafimedia ):- Agaasimaha Baanka Somaliland Axmed Xasan Carwo Ayaa Maanta Sharaxaad Ka Bixiyey Qiimaha Lacagta Somaliland Oo Kor U Soo Kacay

Agaasime Axmed Xasan Carwo Oo Maanta Xafiiskiisa kula Hadlaayey Warfidiyeenada Ayaa Sheegay In Qiimihii isku Sarifka Lacagta Qalaad iyo Lacagta Shilinka Somaliland Uu Hoos U Dhac Ku Yimid Oo Ay Kor U Soo Kacday Lacagta Shilinka Somaliland

Waxaanu Sheegay inay Dadaal Ay Mudo Dheer Wadeen Ka Baan ahaan Ka Dib Ay kor U Soo Kacday Lacagta Qaranka Somaaliland

Waxaa Uu intaa Raaciyey in Dadaalkaasi Uu Wali Socdo Muda Dhawna La Gaadhi Doono Heerkii Lacagteenu Xaqa U Lahayd inay joogto

Agaasime Axmed Xasan Carwo Waxaa Uu Shacabka Somaliland Ka Codsada inay Ka Qayb Qaataan Dadaalka Dawladu Ugu jirto Kor U Qaadista Lacagta JSL Muujiyaana Lexejeclo iyo Waddaniyad Mugle Oo Ay Wax Ku iibsadaan Waxna Ku iibiyaan Lacagteena Si Qiimo Uu u Yeesho Shilinkeenu

Waxaanu Bulshada Ku War-galiyey in Isku Badalka Dollerka iyo Lacagta Shilinka Somaliland in Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay 6/11/2018 Gacanta Danbe Tahay 1=9,790 SLShilin
Halka Gacanta Hore-na Tahay 1=9740SL shilin

Geesta Kale Agaasime Axmed Xasan Carwo Waxaa Uu Sheegay Ujeedada Safar Hawleed Uu Ugu Baxaayo Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Jabuuti Oo Uu Sheegay inuu Ka Qayb Galaayo Xaflad Xadhiga Laga Jaraayo Bangiga Daarasalaam kank

Oo Maalmaha Soo Socda Laga Furaayo Dalka Dalka Aynu Walaalaha Nahay Ee Jabuuti

Sidoo kale Uu La Soo kulmi Doono Masuuliyiinta Baanka Dalka Jabuuti iyo Baananaka kale Ee Dalkaasi Ku Yaala

Hadalka Agaasimaha Ee ku Waajihan Kor u kaca Shilinka Somaliland Ayaad Moodaa inaan Laga Dareemin Suuqyada Waawayn Ee Somaliland
Oo Wali Sarifku Halkiisii Hore Taaganyahay Wax isbadal ah-na Aan Laga Arag

Suxuf: Yusuf Dool

Kaafimedia Hargeisa Office.