Faallo Gaaban Xafiiska BBC-da Ee Nirobi Laga Furay.

0
24

Hargeisa (Kaafimedia ):-Waxaa Xafiiskii Labaad Ee Ugu Waynaa Ee BBCdu Yeelato Laga Furay Magaalada Niroobi Ee Dalka Kiiniya

Sida Ay Sheegtay BBCdu Xafiiskan Ayaa Ah kii ugu Waynaa Ee Qaarada Africa iyo Aduunka kalaba Marka Laga Reebo Push House Oo Londen Ku Yaala

Waa Maxay Danta Dawlada UK Ugu Jirta Qaarada Africa?

Maadaama Dalalaka Qaarada Africa Badankooda Ay Gumaysatay Dawlada UK Waxay Ka Leedahay Qorshe Siyaasedeed Oo Balaadhan

Waana Istiritijiyad Gumaysi Oo Lagu Saleeyey IL-Baxnimo Durugsan Oo Africa Lagu Gumqysanaayo

Africa Waxaa ku nool Dhagaystayaal Dhaga Nugul Oo U Hogaansan Dhagaysiga idaacada iyaga Oo Noqday Dad Si Fudud U Aamini kara Waxa Looga Tabiyo Warbaahinta BBC-da Run iyo Been kuu Doonaba Ha ahaadee

BBC-du Waxay Hoos Timaadaa Wasaarada Arimaha Dibada Ee UK Qaybteeda Gumqysiga Waxaa Lagu Bixiyaa Dhaqaale Badan

Waxaa ka Shaqeeya Shaqaale Carbisan Oo Wajiyadooda iyo Luuqadoodu Isleeyihihiin

Kuna Shaqeeya Siyaasada Ay Dawlada UK Ugu Tala Gashay in Loo Gudbiyo Dhagaystayaasha Dhagaha Nugul Ee La Gumaystay

Dalalka Africa Waa Dalal Faqri Daashaday Una Qaybsan Qabaali Kala Duwan Oo Gumaystuhu Si Fudud U Dhexdhigi Karo Dagaalo Kala Duwan Lagana Fushan karo Wixii Loo Baahdo

Waxaanay Dadka Africa Si Fudud Fursad U Helaan Dhagaysiga Idaacada Maadaama Bilaa Camalku Ku Badanyahay Qaarada

Sida Ay Sheegeen Wariyayaashii Soo Tabinaayey Xaflada Daah-Furka Xafiiskaasi Waxaa La Dajiyey Siyaasad Cusub Oo La Jaanqaadaysa Xaalada Dhagaystayaash Africa wakhtigan Daneeyaan

Shaq-siyaadka Ka Soo Shaqeeya BBC-da Iyo Shaqsiyaadka Hadalkoodu inaga Soo Gaadho Oo Aqoonyahan Laynoogu Sheegaa Waa Carbis Gumaysi

Waxaana Laynaga Dhaadhiciyaa inay-yihiin Tusaalayaal Aynu Hiigsano Bulsha ahaan

BBC-duna Tahay Meesha Ugu Saraysa Ee Aynu Ka Hadalno Ama Ka Shaqayno

Waana Qorshe Gumqysi Oo Dhib inagu Haya Africaan ahaan.

Suxufi:Yusuf Dool