“Dalka Dawladda Ayaa Gacanta Ku Haysa, Nin Meel Iska Taagan Oo Qaylinayana Hadalkiisuna…..” Wasiir Saleebaan.

0
25

Hargaysa (Kaafimeid):- Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland uga digay in ay ka waantoobaan hadalada aan jirin ee ay ee ay warbaahinta marsadaan ee ay ku sheegtaan in ay iyaga hoos yimaadaan dhul iyo dad Somaliland ah oo aan dal ahaan iyo dad ahaan midna u ahayn Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay wasiirku in dhammaan Somaliland dhul ahaan iyo dad ahaanba ay israacsan yihiin oo qaranku midaysan yahay islamarkaana ay xukuumadda Somaliland dalka oodhan gacanta ku wada hayso.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Dalka Somaliland dawladda ayaa meel kasta gacanta ku haysa nin inta uu meel istaago iska qayliya mooyaane wax kale ma jiraan,Puntland maanta xogogaal ayay u tahay inaan cidna shacabka Somaliland daan-daansan karin dalka iyo dadkuna wuu is raacsan yahay ninkan qaylinayaana waa halagu maqlo oo kaliya,dawladda Somaliland hore ayay u soconaysaa qarankuna waa mid isku xidhan isla markaana cidna uma daba fadhiyaan xuquuqdiisa qarannimo.”ayuu yidhi wasiirka horumarinta wasaaradda khayraadka Biyaha Somaliland.

Wasiirka ayaa isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyay “Maamulka Puntland waxa madax-dooda hal hays u noqotay in ay yidhahaan waxbaanu qaban doonaa iyo halkaas ayaanu tagi doonaa taasina waa hadal nin iska yidhi oo meel gaadhi Karin.waxaanan uga digayaa in ay ka waantoobaan hadalada gefka ku ah qarannimada Somaliland.”

KAAFIMEDIA