“Marka Hore Haweenka Somaliland Xaal Baan Siinayaa, WADDANI-na Waxaan Leeyahay, Arrimaha Dumarka Maaha Meel Mucaaridad Laga Raadiyo ee Waxa Laydiinka..”

0
29

Hargeysa (KAAFIMEDIA) Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqogalinta iyo arrimaha qoyska Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa haweenka Somaliland xaal ka siiyay, hadal xisbiga Waddani ka soo yeedhay, kaas sheegay inay xukuumadda afduubtay shirweynahii haweenka Somaliland ee Arbacadii ka qabsoomay Hargeysa.

Agaasimuhu marka hore waxa uu hambalyeeyay shirweynaha ay qabsadeen haweenka iyo madaxweyne Muuse Biixi oo ka qaybgalay. “haween-weynaha Somaliland, waan ugu hambalyaynayaa shirka ay iskugu yimaadeen, madaxweynahana waan ugu hambalyaynayaa sida wacan ee uu uga qaybgalay shirkaasi.”

Mr. Ilkacase waxa uu tilmaamay in dumarka Somaliland aanay ahayn kuwo la afduubi karo oo ay xaq u leeyihiin inay shir qabsadaan, shirkaasina uu ahaa mid ay haweenku abaabuuleen oo si wacan na ugu qabsoomay.

“Marka hore haweenka Somaliland, xaal baan ka siinayaa in shir ay leeyihiin lagu sheegay afduub. Haweenku iyagaa yaqaana ciday ku casuumayaan iyo ciday kala hadlayaan, annagu manaanan afduubin, dumarkuna cid la afduubi karo ma aha. Shirkoodii way qabsadeen, si fiicana way u hadleen, madaxweynahana si fiican bay u wada hadleen iyo wasaaraddaba.” Annaguba wasaaradda dumarka ayaanu nahay oo ajandaha ay u samaysteen shirkooda maxaannu ku diidaynaa.

“xoghayaha guud ee Waddani walaahi waa inan wanaagsan oo dadaalaya, laakiin waxa laga yaaba inuu khalad fahmay. Xisbiyada oo dhan baa iska aamin shirkasta oo la qabto inay ka hadlaan, haddaanu dee qorshaha ku jirin dee ka hadli maayo, aniguna sidoo kale hadaanan ku jiri ka hadli maayo, aniguba shirka maan tagain waayo, dee qorshaba kumaan jirin, markaa haddii la yidhaa agaasimihii guud baan shirka ka qaybgalin, dee maaha in sidaas loo fahmo. Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqogalinta iyo arrimaha qoyska Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase)

Waxa uu u soo jeediyay xisbiga Waddani inay gartaan wadada loo mucaarido oo arrimaha haweenka kala meeraystaan inay ka dhigtaan siyaasad lagu mucaarido.

“Waddani waxaan leeyahay arrimaha dumarku maaha meelaha mucaaridad laga daydayo, waxa looga baahan inuu u doodo haweenka oo ka hadlo, xaga horena soo dhigo, sidii qoondada haweenka aynnu wax uga qaban lahayn ee Waddani maaha inuu dumarka marmariso ka dhigto.”

Kaafimedia Hargeisa Office.