” Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay oo Qurbaha jooga Dalkiisa ayuu Safiir u yahay Midooba oo gacmaha is qabsada” Md. Saylici.

0
39

Hargeisa (Kaafimedia)Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo hawlo shaqo ku joogay Xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayaa kulan balaadhan la qaatay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Biljimka.

Madaxweyne ku Xigeenku waxa uu Jaaliyada uga warramay Xaalada Ammaan, Siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu Dalkeena Hooyo ku sugan yahay, waxa kale oo uu faahfaahin dheer ka bixiyay hawlaha shaqo ee uu u yimi Qaarada Yurub.

Waxa uu Madaxweyne ku Xigeenku ugu baaqay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Dunida Dacaladeeda inay midoobaan oo ay gacmaha is qabsadaan oo ay Xukuumada kala shaqeeyaan sidii uu Qaranka Somaliland u gaadhi lahaa Yoolkiisa ee uu Dunida uga heli lahaa Aqoonsi buuxa.

Kaafimedia Hargeisa Office/