Safarkaygii Deegaanada Galbeedka JSL

0
25

Wuxu ahaa safar taarikhiya oo aan ku galaa bixiyey Gobolada Awdal iyo Salal.
Deegaanada aan maray waxa ka mid ahaa; Daarasalaam, Cali Xaydh, Caadda, Garbo-Dadar, Kalabaydhka, Sheed-dheer, Geerisa, Banka Geriyaad, Ceel-Gaal, Caasha Caddo, Lawyacaddo, Toqoshi iyo Saylac.
Waxyaabihii layaabka lahaa ee aan kusoo arkay waxay ka mid ahaa;

1) Amni iyo Nabadgelyo boqolkiiba boqol ah; Taliyaha Laanta Socdaalka ee Gobolka Salal oo noo waramay baa wuxu noo sheegay ciidamada ammaanka ee Goboladaasi inaan bilo dhan xataa hal kiis oo denbi ahi soo gelin, xataa laba gacan ka hadal dhexmaraa ma jiro.

Nb: Qodobkan waxay aad u kala duwanyihiin Gobolada Bari oo habeen iyo maalin xasarado iyo amni darro ka taagantay, wiigii hore oo aan Sanaag ku sugnaa qodobada ugu waawayn ee Bulshadu ka hadlayso wuxu ahaa arimo ku saabsan amaanka.

2) Deegaanada iyo Tuulooyinkaas aan marayey waxa ka muuqday in dadka lihi aaminsanyihiin, waxaadna arkay Degmo ama tuulo yar oo aad ka helayso dhammaan adeegga laga heli magaalooyinka waawayn oo ay ku jiraan adeegy hurdada iyo cuntada,dadkii u dhashay baa ku sameeyey maalgashi oo xataa waxaad ka heli karay Huteel Hurdo oo Dabaq ah.

NB: Qodobkan laftiisa way kaga duwanyihiin dadka Bariga oo iskadaa inay tuulo maalgeliyaane magaalooyinka waawayn baanay aaminsanayn oo waxay maalgashadaan meelo kale.

3) Waddo aad u xun oo xataa ka hoosaysa waddadii Sanaag loo mari jiray barigii hore aan wadadan socota loo bilaabin, waddan oo bacaad ama ciid xad dhaafa oo gawaadhida qaar tirsan oo qudhi ka gudbi karayaan.

4) Buuro la dhex marayo oo aad ugu eg kuwii Gobolka Sanaag gaar ahaan markaad ka dhaadhacdo wadada tabca.
Si kastaba ha ahaatee wuxu ahaa safar xiiso badan oo kusoo maray dhul badan oo aanan hore u tegin.

By: khadar Ali Hakin

Kaafimedia