Wakiilka Somaliland Ee Dalka Emaraadka Carabta Ayaa Khudbad U Jeediyey Ardayda Dhigta Jamacadda NEW GENERATION Oo La Xiidhiidha Iskaashiga Siyaasadda Dhaqaalaha Amaanka Ganacsiga Ee ka Dhexeeya Labada Dal .

0
72

Hargeysa (Kaafimedi) Safiirka Somaliland ee dalka isutaga imaaraadka Carabta, Xasan Yaasiin Hirad ayaa ka hadlay wadahadalada iyo heshiisyada dhexmaray qaar ka mid ah waddamada geeska Arika iyo dhaqdhaqaaqyada dhanka siyaasadda ee ka taagan geeska.

kulan aqooneed ay soo qabanqaabisay jamacadda NEW GENERATION ee Magaaladda Hargeisa wax aka soo qaybgalay wasiiirka Ganacisga Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Mohamoud Hassan Sacad Saajin wakiilka Somaliland ee Dalka Earaadka Carabta Hassan Yaasin Hirada yo Gudomiyaha Jamacadda New Generationa C/wasaac Mohamed Yusuf Alla Magan Gudoomiye ku xigeenka Mustafe Khaliili Madaxa Adamic Dean Mumin ,Hormoodada kale duwan ee jamacadda marti kale arday dhigta qaybaha kale duwan ee jamacadda.

Ambassador Xasan oo khudbad u jeedinayay ardayda jaamacada New Generation wuxuu kaga waramay xiidhiihdka ka dhexeeyaa dalalka Somaliland Emaraadka carabta dhinacyadda siyaasaddda dhaqaalaha iyo iskaashgia amaanka isago ambasaddorku ku bogaadiyay dawladda Itoobiya, gaar ahaan xukuumadda ra’isal-wasaare Abiy Ahmed eek ala badh dumar yihiin golahiisa wasiirrada, iyo talaabada isbeddelku watay ee lagu xaliyay mashaakilaadkii gobollada dalkaasi qaar ka taagnaa. “annagu hadaanu nahay Somaliland isbeddel ka dhaca geeska Africa waanu ku faraxsan nahay, markuu Possitive yahay, waliba waanu ku amaanaynaa dawladda Itoobiya maamulka xukuumadeeda ee ay ka dhigtay kala badh dumarka, waxaana la odhan karaa waa isbeddelkii u horeeyay ee Afrika ka dhaca in si siman dawladda loo wada yeesho.” Ayuu yidhi ambassadorku

Ambassador Hirad Waxa uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland kala dhexeeya Itoobiya, oo uu tilmaamay inaan la barbardhigi karin Soomaaliya, isagoona xusay dhaqaalaha maaliyadeed ee ay Itoobiya ka hesho Somaliland, “waxaan u sheegayaa Itoobiya, Lix milyan oo doolar bay sanadkii ka helaan Somaliland tijaarada innaga dhexeysa, Xamar kama helaan. Maalin iyo habeen waxa xuduudka ka gudba waad aragtaan, malaayiin doolar oo kaash ah.” Ayuu yidhi Ambassador Xasan

Dhinaca kale Ambassador Hirad waxa uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka iyo dhaqdhaqaaq uu sheegay in dawladda Farmaajo ku doonayso inay ku hor istaagto maalgashiga Somaliland, gaar ahaan DP world.

“Dawladda Imaaraadka waxay fahamtay Somaliland dadka jooga inay yihiin dad lacag haysta, waad maqasheen inay Soomaaliya ka cabatay Somaliland, maxaa ka cabaadiyay? Geesinimada Imaaraadka iyo Somiland ayaa ka cabaadiyay, go’aan qaadashada adag ee ay Somaliland u badheedhay dagaal dhinac walba lagala galo ayaa keentay in maanta Soomaaliya ku calaacasho oo ay cabashooyin u gudbiso caalamka, nasiib-darro se adduunku dhagaha ayuu ka furaystay.”

Ambassador Hirad Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Imaaraadka Iyo Dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed Ee Geeska

“Go’aan qaadashada Adag Ee Ay Somaliland U Badheedhay Dagaal Dhinac Walba Lagala Galo Ayaa Keenay In Caalamku Dhagaha Ka Furaysto Calaacalka Soomaaliya”

Kaafimedia Hargeisa Office.