Khilaaf Ka Taagan Dib U Dhaca Doorashada, Mucaaradka Oo Kala Mowqif Ah Iyo Golaha Guurtida Oo Ka Shiraya Muddo-kordhin.

0
79

Hargeysa (Kaafimedia) – Fadhi uu Maanta Golaha Guurtida Somaliland kaga arrinsan lahaa Warqad uga dib Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi oo ujeeddadeedu tahay in maaddaama oo Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannadu dhici karin loo sameeyo Muddo kordhin, ayaa baaqday isla-markaana dib loogu riixay Axadda Berri , Haddii Alle yidhaahdo.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo Shir-guddoominayey Kalfadhi aan caadi ahayn oo Xildhibaannada Guurtida la iskugu yeedhay Maanta ayaa ku war-geliyey in kulankii loo ballansaa in lagaga doodo dib u dhaca Doorashada iyo Muddo kordhinta loo samaynayo Wakiillada iyo Guurtidu intay noqonayso, inaanu qabsoomi karin, sababo farsamo oo uu Guddoomiyuhu ku sheegay in aan arrintaa dooddeeda loo gudo-geli karin.

Dhanka kale, Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dib u dhaca doorashada oo dabcan ay sababta keentay ay ka mid tahay in Xisbiga WADDANI doonayo in la kala diro Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Xisbigaasi uu kalsoonida kala noqday sannadkii la soo dhaafay, isagoo ku eedeeyay inay wax isdaba marin ka sameeyeen doorashadii Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday sanadkii 2017-kii.

War-saxaafadeed uu Maanta Hargeysa ka soo saaray Xisbiga WADDANI ayuu ku caddeeyay mowqifkiisa la xidhiidha dib u dhaca doorashada, waxaanu mar kale ku celiyey in la kala diro komiishanka doorashooyinka Qaranka.

SOMCABLE

Somaliland: Khilaaf Ka Taagan Dib U Dhaca Doorashada, Mucaaradka Oo Kala Mowqif Ah Iyo Golaha Guurtida Oo Ka Shiraya Muddo-kordhin

Hargeysa (Himilo) – Fadhi uu Maanta Golaha Guurtida Somaliland kaga arrinsan lahaa Warqad uga dib Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi oo ujeeddadeedu tahay in maaddaama oo Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannadu dhici karin loo sameeyo Muddo kordhin, ayaa baaqday isla-markaana dib loogu riixay Axadda Berri , Haddii Alle yidhaahdo.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo Shir-guddoominayey Kalfadhi aan caadi ahayn oo Xildhibaannada Guurtida la iskugu yeedhay Maanta ayaa ku war-geliyey in kulankii loo ballansaa in lagaga doodo dib u dhaca Doorashada iyo Muddo kordhinta loo samaynayo Wakiillada iyo Guurtidu intay noqonayso, inaanu qabsoomi karin, sababo farsamo oo uu Guddoomiyuhu ku sheegay in aan arrintaa dooddeeda loo gudo-geli karin.

Dhanka kale, Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dib u dhaca doorashada oo dabcan ay sababta keentay ay ka mid tahay in Xisbiga WADDANI doonayo in la kala diro Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Xisbigaasi uu kalsoonida kala noqday sannadkii la soo dhaafay, isagoo ku eedeeyay inay wax isdaba marin ka sameeyeen doorashadii Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday sanadkii 2017-kii.

War-saxaafadeed uu Maanta Hargeysa ka soo saaray Xisbiga WADDANI ayuu ku caddeeyay mowqifkiisa la xidhiidha dib u dhaca doorashada, waxaanu mar kale ku celiyey in la kala diro komiishanka doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa si faahfaahsan uga hadlay khilaafka ka taagan dib u dhaca doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada.

Kaafimedia Hargeisa Office.