“Aniga & Guddoomiyahayga [Faysal] Dhibaato na Dhextaalay May Jirin, Kaliya Waxa Aannu Isku Qabanay, Talada Qaranka Ha Laysu Joojiyo Iyo Laysu Joojin Maayo”

0
70

“Anigu siyaasadda waan ku sii jirayaa, la iskuma joojinayadaa bilaabantayna dhinacayga ayaan ka qabanayaa. Madaxweynaha aniga oo shakhsiya ayaan u tagayaa, waxaanan u sheegayaa, xisbigaa boqolkiiba afartan helay inaan loo maqal xisbi boqolkiiba afar helay.”

Hargeysa (Kaafimedia) Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga UCID Eng. Cabdinaasir Buuni ayaa shalay ku dhawaaqay inuu xilkii iyo xubinimadii xisbigaas iska casilay. Waxa uu ku sababeeyey iscasilaadiisa siyaasadda xisbigiisa oo uu saluugay, iyo arrinta xisbiga Waddani oo sida uu sheegay kaga fikir duwanaaday guddoomiyihiisu qabay

“dhibaato kale oo aniga iyo guddoomiyaha na dhextaalay may jirin ee waxa aannu isu qabanay, dalkani wuxuu halkaa ku soo gaadhay waa talo qaran oo waa la isu joojinayaa iyo la isu joojin maayo. Maadaama ay bilaabantay la isu joojin maayo, xisbiyagiina uu qayb ka mid ah noqday laysu joojin maayo. Anigu waxan ka soo jeedaa dad Somaliland soo dhisay, Somaliland haday maanta wax ka xumaanayaan, dhinacaygaan wax ka qabanayaa, mana soconayso in la yidhaa xisbi mucaarid ah oo dalka boqolkiiba afartan (40%) ka helay, ajende aan Somaliland ahayn buu leeyahay, oo guddoomiyahayaga Faysal afkiisa laga hayo. Anigu taas waan ka aragti duwanaaday, sidaas daraadeedna maaha inaan munaafaq noqdo oo aan qarsado ee waa inaan idhaahdaa, guddoomiye, anigu kugulama jiro.” Ayuu yidhi Mr. Buuni

Geesta kale Cabdinaasir Buuni waxa uu ka hadlay warqada ka soo baxday xisbiga Ucid ee isaga xilkii iyo xubinimadii xisbiga laga qaaday, “Shirweyne ayaa aniga la igu doortay, kii u dambeeyay ee hotel Adams ka dhacay, guddi fulinneed na guddoomiye ma magacowdo haddii ay jirto, guddida fulintu tii ay igu magacowday ha soo dhigto, markaasay xil-ka-qaadisteedu sax tahay.” Ayuu yidhi

Ugu dambayn, Cabdinaasir Buuni waxa uu ka hadalay talaabada xigta ee uu qaadayo iyo doorkiisa siyaasadda, waxana uu yidhi; “Anigu siyaasadda waan ku sii jirayaa, la iskuma joojinayadaa bilaabantayna dhinacayga ayaan ka qabanayaa. Madaxweynaha aniga oo shakhsiya ayaan u tagayaa, waxaanan u sheegayaa, xisbigaa boqolkiiba afartan helay inaan loo maqal xisbi boqolkiiba afar helay.”

Kaafimedia Hargeisa Office.