Milicsiga Taariikheed ee Hanna-qaadka Hannaanka Axsaabta Badan iyo Doorashooyinka Xorta.

0
21

Garyaqaan Maxamed Baxsane

Sida aynu wada ogsoonnahay aasaaska xisbigii UDUB, waxa uu ku soo beegmay xaalad adag, kadib markii Golaha Salaadiinta Somaliland oo ka koobnaa; Madax-dhaqameed iyo Waayeel caan ka ah Somaliland qaarkood. Nasiib-wanaagse, waxa xaaladda dajiyey Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, isla markiiba dhexdhexaadiyey, iyaga oo markiiba abbaaray waxa dhalliyey kicitaanka noocan ah, taasoo ahayd in Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo isugu talogalay xisbul-xaakim keligii-taliye ah oo aan sinnaba doorashooyinka soo socda la isaga caabbin karin. Balse, Shirguddoonka Golaha Guurtidu si caqli ku jiro, waxay ugu baaqeen cid walba oo han Madaxweyne lahiba ay fuan karto xisbi amse Urur-siyaasadeed u gudbi kara Xisbi Qaran, taasoo isla markiiba xaaladdii dejisay, isla markaana horseed u noqotay aasaaska Urur-siyaasadeedyo aynu odhan karo, waxay  kala baxayeen;

Ø  Qaar u taagan xilka u sarreeya qaranka. Sida KULMIYE – Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), BIRSOL – Cumar Carte Qaalib, ASAD – Saleebaan Maxamuud Aadan.

Ø  Iyo halka kuwa kalena ay muujiyeen inay diyaar u yihiin ka-qaybgalka doorashooyinka Golaha Deegaanka, sida; UCID, HORMOOD, SAHAN.

Kadib markii Xeer Lr. 14 laga aasaasay Guddiga Diiwaangelinta Axsaabta Qaranka, ayaa talo-bixintooda ku kala caddaadeen tirada (8) iyo meeqaamka Ururrada siyaasiga ah:

UDUB oo gacanta ku haysay taladii dalka, ayaa meeqaamka xisbul-xaakimka, isla markaana xil ka saaran yahay si ku-meel-gaadha qabashada iyo qabanqaabada doorashooyinka, sidaas darteedna aanay ugu jirin saamiga xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ka soo jeeda Ururrada siyaasadeed oo tiradoodu tahay laba (2) xubnood.

Balse, xisbiga KULMIYE ayaa ka biyo-diiday, maadaama xukuumadda loo qoondeeyey xulka saddex xubnood oo dabcan UDUB lug weyn ku lahayd, waanna sababta uu si caqli ku jiro oo isla berigaaba xisbiga KULMIYE soo-jeediyey, in saddexda xubnood ee xukuumadda midkood loo celiyo Ururrada siyaasadeed, sidaasna la isugu dheelitiro xubnaha xukuumadda iyo xisbul-xaakimka oo isku dhex milmay iyo xubnaha ka soo-jeeda Ururrada kale ee siyaasiga ah, halkaasna ay ka soo baxdo Guddi ka kooban;

Ø  Laba (2) Xubnood oo xukuumadda ah

Ø  Saddex (3) Xubnood oo Ururrada ah iyo

Ø  Laba (2) Xubnood oo Golaha Guurtida ah

Haddaba, iyada oo la tix-raacayo Guddiga Diiwaangelinta Axsaabta Qaranka ee Xeer Lr. 14, ayaa si rasmi ah la isugu raacay tirada toddobada ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo nidaamka ilaa hadda lagu soo xulo.

Waxa kaloo ka soo baxday tafaftirka Xeerka Guddiga Doorashooyinka Qaranka meel-marinta waajibaadkooda oo ah;

Ø  Isu-duwidda doorashooyinka

Ø  Diyaarinta diiwaangelinta iyo

Ø  Qabanqaabada doorashooyinka

Waxa kale oo halkaas ka soo baxay in fulinta awooddaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku salleysan yahay nidaamka mas’uuliyad-wadareed oo aan marnaba saamaxayn xil-ka-qaadis khaas ah oo lagu soo oogi karo xubnaha ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, balse, ay bannaan tahay in wax laga beddelo Xeer Lr. 20 – Qodobkiisa 11-aad, faqraddiisa 1-aad, si xubnaha loo gaadhsiiyo tiro sagaal ah, sidaasna Komishanka hadda jira lagu kordhiyo xubin laga soo xulo axsaabta iyo mid ka soo jeeda Garsoorka.

Xubintaas dambe oo iyadu si ahaan ah, isla markaana ku-meel-gaadh ah u qaabilsanaanta anshax-marinta maxalliga ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, taasoo ay sababteedu tahay in kala darreerin wadareed ama xil-ka-qaadis shaqiyeed ayna hadda sharciyan midkoodna suuragal ahayn ilaa inta xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka aan loo kala qoondayn hawlgalada aasaasiga ah, kuwaasoo kala ah;

  1. Suggida xogta wadarta guud ee codbixiyeyaasha (Identification Registration)
  2. Qabanqaabada isu-duwidda iyo habsami-u-socodka doorashooyinka xorta ah
  3. U-dareeridda iyo qabasashada codbixin xallaal ah

Ugu dambeyn, arrintaasi waa sida qudha ee tallaabooyin iyo go’aamo waafaqsan sharciga lala tiigsan karo go’aamo sharciga waafaqsan xubin walba ooo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.